Gurmad Guurtidii Noqon Ilahayd,Gacan Hadday Siisay,Gelinmaayo Beriyo Galbeed,Gooshkan Maanta Ah.

0
Wednesday July 26, 2023 - 11:28:19 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1110
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gurmad Guurtidii Noqon Ilahayd,Gacan Hadday Siisay,Gelinmaayo Beriyo Galbeed,Gooshkan Maanta Ah.

    Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B],

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B],

 

Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.

 

 

Gardaradu Hadday Garab Ogtahay,Lagama Gulaysto,


 

Garana Qaadanmaysee Weli Bay,Godob Ku Faantaaye,

 

Gurmad Guurtidi Noqon Ilahayd,Gacan Darbay Siisay,



 

Gacalkiyo Sokeeyahan Isnacay,Beeshan Kala Guurtay,

 

Geli Maayo Bari Iyo Galbeed,Gooshkan Maanta Ahe,


 

Isgumaadnayaa Iyo Haddaan,Garasho Keenayno,

 

Ama Kala Gol Roonaanaynon,Gulufka Meelayno,


 

Gudaheenan Weeyaan,Kuwaas Gala Dagaalkay Li,

 

Gaban Haddanu Hadhin,Gunima Loo Gurdamaya,


 

Geelanu Horweynkii Durduro,Gelengel Gobaayo,

 

Gurbood Aarankiisuna Isaguu,Gaadh Isleeyahay,


 

Gobolan Iyo Baroorba Ku Xiggi,Guule Naga Haye.

 

Godka Lagu Janee Ina Huseen,Garab Ma Raaceene,


 

Alloowya Godkii Ugu Warama,Guurtidii Hoyatay.



 

Ismail Abdillahi Handuleh.

 

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...