Jabhada Garxajis Oo Cabsi Ku Abuurtay Xukuumada Muuse Biixi
Hargaysa (HWN) Waxaa Somaliland todobaadkan lagaga
dhawaaqay jabhad Hubaysan oo ku baaqday dagaal ka dhan ah Muuse Biixi iyo
xukuumadiisa.
Jabhadan ayaa lagaga dhawaaqay buurta Gacan-libaax ee
u dhexaysa Berbera iyo Hargeysa.
Jabhadan oo muuqaalo kala duwan ku baahisay Baraha
Bulshada ayaa xoguhu sheegayaan in xalay
ay galeen gudaha magaalada cadaadlay, halkaasi oo ayna kala kulmin wax iska
caabina, kadib markii ciidamada dawlada ee joogay Cadaadlay ka gaabsadeen
ladagaalanka jabhadaasi.
Jabhadan ayaa ubadan beesha Garxajis oo tabashooyin
badan oo kala duwan ka tirsanaysa xukuumada sida ay sheegeen madax dhaqameedka
beesha Garxajis.
Sidoo kale xibiga Wadddani oo ka hadlay jabhadan ayaa
sheegay in jabhadani ka dhalatay tala xumada xukuumada Muuse Biixi.
Ilaa hada si muuqata ugamay hadal jabhadan xukuumada
Muuse Biixi, balse xogaha ay helayso shabakada Hadhwanaagnews waxay sheegayaan
in uu Muuse ergo habarjeclo ah udiray
beesha Garxajis ee ku dhawaaqday Jabhadan