Xog Cusub Oo Ka Soo Korodhay Wiilkii Hargeysa Ku Geeriyooday Isagoo Kubad Cayaaraya
Waxaa maanta la
filayaa in la shaaciyo natiijada baaritaankii lagu sameeyay meydka Khaalid
Xuseen Maxamed, oo loo yaqaanay Geesi, kaas oo geeriyooday Axaddi la soo
dhaafay, kaddib markii uu dhacay xili ciyaar socotay.
Wiilkan ayaa
fariistay kaddibna dhacay iyadoo cayaartu markaa mareysay daqiiqadihii ugu
horeeyay ee qeybtii labaad, kaddibna waxaa loola cararay isbitaalka, halkaas oo
uu markiiba ku geeriyooday.
Tartanka kubadda
cagta ayaa ka socday magaalada Hargeysa, wuxuu u dhaxeeyay jaamacadda New
Generation iyo jaamacadda Hargeysa, Khaalidna wuxuu u cayaarayay jaamacadda New
Generation.
Xogta aan helnay ayaa
sheegeysa in ilaa haatan hal wiil loo xiray geerida Khaalid, kaas oo ay wada
cayaarayeen.
Khaalid ayaa
sidookale mar ahaa ciyaartooy ka tirsan heerka labaad ee kooxda wasaaradda
cadaaladda balse wuxuu markii dambe u gudbay kooxda heerka koowaad ee Goodir ee
Hargeysa ka dhisan.
Waxa la sugaba waa
natiijada baaritaankaas oo saacadaha soo socda la filayo in xeer ilaalintu
shaaciso.
BBC