War Degdeg Ah: Muuse Biixi Oo Amray In Ciidanka Goojacade Laga Soo Saaro.

0
Tuesday July 25, 2023 - 12:53:17 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 7691
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 2
  • Share via Social Media

    War Degdeg Ah: Muuse Biixi Oo Amray In Ciidanka Goojacade Laga Soo Saaro.

    ''haddii Muuse Biixi sida Laascaanood uu awood ciidan kala hortago Jabhada Garxajis''

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

''haddii Muuse Biixi sida Laascaanood uu awood ciidan kala hortago Jabhada Garxajis''



Hargaysa (HWN) Muuse Biixi ayaa saraakiisha Milatariga Somaliland ku amray in ciidamada laga soo saaro Goojacade, kadib markii Beesha Garxajis ay kaga dhawaaqday Buurta Gacan-lilbaax jabhad hubaysan.

 

Xogta ayaa intaasi ku daraysa in Muuse Biixi qorshaynayo in uu awood ciidan kaga hortago Jabhada beesha Garxajis ku dhawaaqday.

 

Jabhadan ayaa ka dhalatay kadib markii Beesha Garxajis ay siwayn uga soo horjeedsatay go’aankii komishanka doorashooyinka Somaliland ku cayimeen in labada doorasho la horqabanayo doorashada ururada siyaasada Somaliland.

 

Labada xisbi mucaarad ee Somaliland oo ka soo jeeda Beesha Garxajis ayaa go’aanka Komishanka doorashooyinka u arkay qorshe iyaga meesha lagaga saarayo ama lagu wiiqayo taageerayaashooda.

 

Muuse Biixi ayaa marar badan oo hore oo loogu baaqay in ciidanka uu ka soo saaro goojacade diidmo qayaxan kala horyimid.

 

Dadka siyaasada Somaliland udhuun daloola ayaa kudoodaya in Somaliland ay xaalad khatari soowajihi karto haddii Muuse Biixi sida Laascaanood uu awood ciidan kala hortago Jabhada Garxajis.


Loading...
Loading...