Wasiir Faratoon Xayiraada Xoolaha Miyuu Kala Hadlay Safiirka Sucuudiga Ee Kenya Oo Uu La Kulmay?

0
Friday June 28, 2019 - 12:08:57 in News by
  • Visits: 4132
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Faratoon Xayiraada Xoolaha Miyuu Kala Hadlay Safiirka Sucuudiga Ee Kenya Oo Uu La Kulmay?

    Wasiir Faratoon Xayiraada Xoolaha Miyuu Kala Hadlay Safiirka Sucuudiga Ee Kenya Oo Uu La Kulmay?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Faratoon Xayiraada Xoolaha Miyuu Kala Hadlay Safiirka Sucuudiga Ee Kenya Oo Uu La Kulmay?


Hargeysa(HWN):-Wasiirka arimaha dibada somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir(Faratoon) ayaa kulan la qaatay safiirka dalka Sucuudiga u fadhiya magaalada Nairobi ee dalka Kenya Dr. Mohammed Khayat.

Image may contain: 5 people, people smiling, indoor


Wasiir Faratoon oo safar shaqo ku jooga wadanka Kenya ayaan shaacin waxyaabaha uu kala hadlay safiirka dalka Sucuudiga, iyada oo dhawaana uu dalkaasi xoolihii somaliland ee u dhoofi jiray hoos geeyey wadanka Soomaaliya.


Qoraal lagu baahiyey boga wasaarada arimaha dibada ayaa si kooban loogu cadeeyey waxyaabaha uu wasiir Faratoon kala hadlay safiirka sucuudiga u qaabilsan wadanka Kenya, waxaana qoraalka lagu sheegay in arimo ku saabsan xidhiidhka labada dal iyo dhoofka xoolaha somaliland ay ka wada hadleen labada masuul.

Image may contain: 1 person, standing
Image may contain: 6 people, people smiling, indoor

Kulanka wasiir Faratoon la yeeshay safiirka dalka Sucuudiga ayaa ku soo beegmaya wakhti ay dawlada Soomaaliya heshiisyo ka dhan ah somaliland oo ku saabsan dhoofka xoolaha ay la gaadhay xukuumada Riyadh, iyada oo aan ilaa hada la saadaalin Karin waxyaabaha uu soo kordhin doono kulanka wasiir Faratoon.

Image may contain: 5 people, people smiling, indoor

Sidoo kale warar hordhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in sucuudigu ka noqday go’aan uu hore u qaatay oo la xidhiidhay in xoolaha somaliland ee ka dhoofaya dekeda magaalada Berbera uu kala xidhiidhayo soomaaliya isla markaana dawlada Muqdisho laga soo qaato ruqsada lagu dhoofinayo.

Loading...
Loading...