Murtidii Faarax Nuur iyo Milicsi Kooban W/Q: Axmed Iid Aadan
Ismaaciil Aflow, Aadan Gabayxoog, Salaan, Qamaan, Muxumed Liibaan Jadeer, Cali Jaamac Haabiil, Faarax Nuur iyo maansayahanno kale oo aynaan halkan ku xusin ba waxay ka mid ahaayeen raggii uu Alle hibada maanso ugu deeqay, murtidoodana la qaadaa-dhigi jiray.
Faarax Nuur, Alle ha u naxariistee, sida mid ka mid ah buugaagtii manhajkii Soomaaliyadii hore lagu qoray, waxa uu noolaa intii u dhexaysay 1862kii ilaa 1932kii. Waddaniyad, nabad, colaad, kaftan, dood iyo mawduucyo kale oo muhiim ah ba Faarax wuu ka gabyay, waxaanu leeyahay suugaan badan oo hodan ah. Maansada oo keli ah uun abwaanku kuma uu koobnayn, ee waxa uu ahaa hoggaamiye indheergarad ah. Sida diiwaanka gabayadiisa lagu ururiyey oo aan tixaha qaarkood wax ka soo xigtay ku xusan, Faarax wuxuu ahaa nin cibaado badan, oo dabeecad wanaagsan oo deeqsi ah.
Maansooyinka Faarax waxa ka mid ah gabayga caanka ah ee ay dad badani "Aakhiru-sabaan” u yaqaannaan. Gabaygaasi waa mid ka mid ah gabayada Soomaalida ee waddaniyadda ku saabsan kuwa ugu qiimaha badan uguna taariikhda fog. Waa gabayga ay meerisyadiisa ka mid yihiin:
- Ingiriis Axmaar iyo Talyaan aarmi Faransiis ah
- Colkan gulufba meel agabka dhigay way akeekamiye
- Arligaa la kala boobayaa nin u itaal roone
- Ehelkiyo wadaagaha tusmada uunka wada yaalla
- Edeg bay u kala oodayaan lagu ilaashaaye!
Gabaygaa haddii aad dhuuxdo, isla markaasna aad akhrido taariikhda waxa loo yaqaanno "The Scramble of Africa”, waxaa laga yaabaa in aad sida uu dhacdadaa u sawirray la yaabto oo aad is-tidhaahdo, wixii meeshaa ka dhacay Faarax miyuu arkayey mise wuu joogay madashii uu shirkii Baarliinka dhacay? Waa shirkii ay quwadihii xoogga lahaa ee reer Yurub sannadihii 1884kii ilaa 1885kii isugu yimaaddeen. Waa shirkii ay kaga hadleen sidii ay Afrika u qaybsan lahaayeen una maamuli lahaayeen, natiijadiisiina ay noqotay in Afrika la gumaysto.
Faarax shirka ma uu joogin kamana uu qaybgelin, ee maaddaama uu ahaa maansayahan aragti dheer, isaga oo degaannadiisii jooga ayuu ka war hayey oo uu xog’ogaal u ahaa damacii quwadihii waaweynaa ee waagaa iyo wixii Yurub ka socday. Dabadeed waa kaa wixii dhacay tixda inoogu soo koobay. Bal u fiirso beydka caanka ah ee tixda ku jira ee ah:
- Waa duni la kala iibsadoon nala ogeysiine!
Beydkani waa beyd cajiib ah oo inta badan la soo xigto mararka mawduucan laga hadlayo. Wuxuu inoo soo koobayaa qorshayaal iyo shirar muddo dheer socday wixii ka soo baxay. Wuxuu inna dareensiinayaa in dhac ummad ku dhaca ka ugu xumi uu yahay ka iyada oo aan ogeyn dhaxal ay leedahay lagu taabo.
Arrimaha kale uu Faarax u hawlgalay, gabayana uu kaga hadlay waxa ka mid ah nabadda. Nabaddu waxyaalaha ugu qaalisan ee uu Alle aadamaha ugu deeqo ayay ka mid tahay, oo waa kii ninkii jiray yidhi, "Nabad la’aani waa nolol la’aan.” Nabadda waxa lagu helaa wadajir, waxaana lagu ilaaliyaa wadajir. Waa wax loo wada baahan yahay oo cid gaar ah in lagu halleeyaa aanay wacnayn. Beyd ku jira gabayga "Kala gooye” oo ka mid ah gabayadii hore ee Soomaalida kuwa ugu murtida badan, uguna tayada sarreeya ayaa arrintaa inoo soo koobaya. Wuxuu yidhi Faarax:
- Haddaan nabadda loo wada qasdiyin wayska qiil jabane!
Nabad waxa la waayaa marka dadka ay ka dhexaysaa ay ismaandhaafaan ee ay talo faro ka haaddo. Nabad waxa lagu helaa in cidaha ay colaaddu dhex taallo loo gar qaado oo la kala xukumo, in maslaxad la galo oo meel dhexe la isugu yimaaddo iyo in ay cidi tanaasusho oo wax ay xaq u lahayd ay iska dayso.
Saddexdaa arrimood qodobka u dambeeya ayaa malaha ugu culus, waayo in ay cidi xaqeedii oo ay arkayso duhur cad ka tanaasushaa arrin fudud ma aha. Waa arrin aanay cid kastaaba samayn karin. Waa arrin cid uu Alle caqli badan iyo gobannimo dheeraad ah ugu deeqay uun malaha laga heli karo.
Faarax sidii uu nabadda ugu dedaali jiray wuxuu si wacan ugu qeexay geeraarka "Sabaan ka sabaan.” Waxaynu geeraarkaa ka garan karnaa qiimihii weynaa ee ay nabaddu abwaanka agtiisa ku lahayd. Wuxuu geeraarka ku sheegay haddii uu colaad dareemo in aanu markaaba dagaal guddoonsan, ee uu toddoba arrimood oo ay wanaag iyo dulqaad ku dhan yihiin marba mid ama qaarkood ama dhammaantoodba nabad ku doono. Haddii wanaaggaa iyo dulqaadkaa uu nabadda u huray lala qaadan waayo, wuxuu markaa qaataa go’aan halis ah oo aan la mahadin.
Geeraarkan labo arrimood oo waaweyn baynu ka baran karnaa:
1. In mar walba nabadda lagu mintido oo dulqaad iyo wanaag lagaga jawaabo wixii dhibaato ah ee dadka aynu wada noolnahay inaga soo gaadha, iyo
2. In ay colaaddu timaaddo marka nabad, wanaag iyo tanaasul wax lagu waayo.
Waxa waqti waqtiyada ka mid ahaa isku hub urursaday labo beelood oo walaalo ah, oo wada degganaa meel u dhow degaankii uu Faarax ku noolaa. Kolkii uu warkaasi soo gaadhay, wuxuu Faarax markiiba tegey degaankii ay dhibaatadu ka taagnayd ee la isku hor fadhiyey. Wuxuu halkaa ka tiriyey gabay cajiib ah oo ay murti nabaddoon ahi ka buuxdo. Gabay ay waayo’aragnimo ku dheehan tahay, oo dhibaatooyinka colaadda laga dhaxlo iyo qiimaha ay nabaddu leedahay diirka ka qaadaya, dhegtii maqashana si xeeldheer ugu dhacaya. Waa gabaygii uu meerisyadan ka bilaabi jiray:
- Anaa mudan anaa midho ku dheer lay hormari maayo
- Anigaa maroodiya anaa fariyo miisaan leh
- Mici weyne aar iyo anaa sida mas duulaaya
- Mijahaan ku soo qaban intaan madaxa kaa gooyo
- Waa wuxu manaayuhu ka dhacay maalintii hore’e!
Markii gabaygaa la maqlay mashkiladdii taagnayd halkaas ayay ku dhammaatay. Arrintani waa mid kale oo inoo caddaynaysa sidii uu abwaanku dhibaatooyinka uga hor tegi jiray iyo sidii uu nabadda ugu xaglin jiray.
Xikmadaha abwaan Faarax loo hayaa waa ay badan yihiin, qaar badan oo ka mid ahna Soomaalidu waa ay taqaannaa. Bal hadda saddexdan beyd oo aynu macnahooda si wacan u fahmi karno u fiirso. Wuxuu yidhi:
- Saaciisu nimuu buuxsamoo sahayda loo qaaday
- Inuu socodka hore doonayaa waa si la hubaaye
- Naftii saacad iyo miridh u hadhay loo saldhigi waaye!
Hore waxa loo yidhi, "Talo waa mar aad gaadhi weydo, mar ay kula gudboon tahay iyo mar aad garan weydo.” Waxa mararka qaarkood dhacda in ay taladu inaga qalloocato, oo sidii ugu wacnayd loo gorfayn waayo. Taasi beydadkan soo socda ayay ka muuqataa:
- Sidii harag wan weyn laga baxshoo waafi noqon waayey
- Waayeelka xaajadu mar bay weyd ka noqotaaye!
Faarax mararka qaarkood murtida meelo in ay ku jirto malaha aan laga filayn, ayuu xikmad weyn oo xusuusta dadka ku hadha ka soo saaraa. Taana waxa tusaale u ah beydadkan:
- Indho bururay labadooda baad bidhiq ma daayaane
- Kolse haddaan bidhaan lagu arkayn waa bar kuma taale
Meel laguugu tashaday iyo meel lagaaga tashaday labada midna ma fiicna. Meel qofku maamuuskii uu mudnaa uu ka helayo hadalkiisana la qiimaynayo iyo meel in uu joogo iyo in kale aan dan laga lahayni labo meelood oo la simi karo ma aha. Faarax wuxuu yidhi:
- Rag kaa faqay rafiiq nimaad tihiin talo lagaa reebay
- Meel aan lagaa rabin indhaha lalama sii raaco!
Gabayada Faarax waa ay tiro badan yihiin oo marna lagama maarmo. Arrimaha kala duwan ee nolosha dadkeenna la xidhiidha marka laga hadlayo marar badan ayaa la soo xigtaa. Dugsiyada waa lagu dhigtaa, oo manhajyada ayaa lagu daraa. Dadka taariikhda iyo murtida Soomaalida wax ka baadhaana, haddii ay shisheeye yihiin iyo haddii ay Soomaali yihiin ba wax bay ka soo qaataan oo waa ay dersaan. Arrimahaasi waxay caddayn u yihiin qiimaha sare ee ay murtideennu leedahay, taas oo loo baahan yahay in aynu wax ka baranno, si fiicanna uga faa’iidaysanno. Qoraalkan oo falanqayn kooban ahaa intaas ayaynu ku soo gebagebaynaynaa.
Axmed Iid Aadan
Julaay 22, 2023.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!