Masuuliyiin Dhexdhexaadin Ka Bilaabay Khilaafka Maayarada Burco & Berbera Iyo Wakhtiga Laysu Keenayo Oo La Shaaciyey
Hargeysa(HWN):-Masuuliyiin ka tirsan dawladaha hoose ee Burco iyo Berbera ayaa dedaal ugu jira sidii ay u soo afjari lahaayeen khilaaf ka dhex taagan maayar Maxamed Muraad iyo Maayar Cabdishakuur Cidin.
Masuuliyiintan isku hawlay inay damiyaan khilaafka labada maayar ayaa waxa ka mid ah Xildhibaan Mubaarig Bidhi oo ka tirsan golaha deegaanka degmada Burco kaas oo ka waramay sida ay iskugu soo dhawaynayaan labada maayar .

Xildhibaan Mubaarig Bidhi oo ka hadlay dedaalada ay ku soo afjarayaan khilaafka labada maayar ayaa sheegay inay la kulmeen isla markaanay ay aqbaleen inay isku yimaadaan "Waxaan ku suganahay magaalada Berbera, waxaanan shacabka somaliland u sheegayaa in hadaladii ay iswaydaarsadeen maayarada Berbera iyo Burco ay maalmahanba taagnaayeen balse labada maayarba waan uga mahad celinaynaa inay u naga aqbalay in wixii dhacay aanu ku soo dabaalno heshiis, Maxamed Muraadna wuu naga aqbalay inaanu dhamayno wixii arin ah ee jira, labada maayarba waan uga mahad celinaynaa inay aqbaleen inay isku yimaadaan, waana dad ehel ah waana laba hogaamiye, shacabka iyo magaalooyinka Berbera iyo Burcona waa isku mid.”
Sidoo kale xildhibaan Bidhi ayaa sheegay in labada maayar ay ka aqbaleen kulan ay iskugu keenayaan "Maayarka Berbera iyo Maayarka Burco waxay aqbaleen in hawshaasi halkaas ku istaagto oo ay gacmaha is qabsadaan kuna heshiiyaan anaga oo u balansan kulan aanu labada maayar iskugu keenayno maalinta sabtida ah.”
Dhinaca kale xildhibaan Bidhi ayaa fariin u diray guud ahaan shacabka somaliland waxaanu yidhi "Waxaan u sheegaynaa dadka ka hadlaya arinta labada maayar inay joojiyaan in laga hadlana maaha oo arintaasi way dhamaatay wad wadkeedana hala joojiyo, shacabka somaliland-na waxan u sheegaynaa in arintaasi ay soo dhamaatay waxaana noo hadhay oo kaliya in labada maayar isku yimaadaan oo ay gacmaha isqabsadaan intaasna maalinta sabtida ah ayaanu soo afjaraynaa.”


0 





