Taliyaha Ciidanka Ka Soo Horjeeda Furista Dastuurka Puntland Oo Fariin Udiray Siciid Deni
"Wixii Aan Ka Dagaallanay Marnaba Ma Aqbalayno''
Garoowe(HWN) Taliyaha ciidamada ka soo horjeeda
furista dastuurka Puntland, Gen.Jimcaale Takar oo ka hadlaya duleedka Garoowe
ayaa markale ku goodiyay in aanay aqbalayn in lafuro dastuurka.
"Wixii aan ka dagaallanay marnaba ma aqbalayno,
waan diiddanahay dastuurka oo la furo, waxa keliya soo dhoweynaynaa in doorasho
dhacdo 8-da January - Siciid Deni wuxuu kamid yahay musharrixiinta, annagu waxa
aan nahay ciidamadii Puntland sharciga ayaan ilaalinaynaa."
Waxa magaalada Garoowe ka socday bilihii ugu dambeeyay
dadaalo lagu xalinayo dagaalkii dhawaan ka dhacay Garoowe, balse weli ma
muuqato in shaqaaqadaasi xal looheley.
Loading...
Loading...