Ninka Hadima Taliyaw Adigaa U halisa ( Abdi-Shotaly).

0
Monday July 17, 2023 - 16:00:34 in Articles by Faisal Abdullahi
  • Visits: 1388
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Ninka Hadima Taliyaw Adigaa U halisa ( Abdi-Shotaly).

    * N.B Xil.La Dilaa Waa Xeelad Daciif Iyo Xanuunkii Waalidda Ee Askariga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N.B Xil.La Dilaa Waa Xeelad Daciif Iyo Xanuunkii Waalidda Ee Askariga.

 



Ma gar baa ummad-yahay garaadka qabataa? In Xildhibaan ka tirsan golaha Wakiiladda, oo xasaanad leh, ay jidh dil ku sameeyaan Ciidan ku sheega deydey-ga ah ee maamulka Askarta, ee lagaga amar-ku-taagleeyo Guriggii Moorgan ee " Xaafad-tooyadda" Waxa cadaan ah kuwa illaaladda u ah Gurigaa sare ku xusani ee magaca booliska huwan, ay si xun ugu garaacaan Xildhibaan Jamaal isaga oo sii gelaaya Golaha Wakiiladda, intay joojiyeen oo daaqadda iska fureen, ka dib ay la soo degeen, dabeed ay laad,feedh-jilib iyo qori dabaddii lala dhacay, baabuur-kiisiina wax-yeello weyn loo geystay. 



Ummad-yahay waakaas dhaqanka maamulka askarta ku andacaoota Amni baan ilaalinaa, ay iyaka ku kacayaan falalka argagi-xisnimo, kuna bartilmaameed-sanayaan waxa allaale wixii maamulka askarta ka hor yimaadda, ama dhalii-shoodda sheega, mana ah markii ugu horeysay ee waa markii boqolaad ee arimahaas si badheedh ah ugu talaab-sadaan, iyaka oo u adeegaaya awoodda Askariga " Raggii ma adigaa ka hadhay" Hore waxad ka markhaati ahaydeen in Mudaaharaadkiu Hargeysa ay Musharaxa Xusbiga Waddani Mr Cirro ay baabuur marin gaadheen, oo uu shicibku ku hagoogtay, kana badbaadi-yeen.


 

Aan ku soo dhawaado'e, hees baa ahayd " Ninka hadimo taliyaw adigaa U halis ahe" xil.la dilaa, wuxu leeyahay xil.la dilo. Akhristaw hadaba waa maxay sababta ka dambaysa ee loo jidh dilay " Xildhibaan Jamaal?"


Jawaabtu way iska fududahay, sidaad u ogtihiin-ba, Xil.Jamaal wuxu ka soo baxay " Xusbiga Waddani" Waxana uu ku biiray " Kulmiyey" Sidaas oo ay tahay, waakii noogu yimi Dalkan Boqor-tooyadda UK, oo aanu ku soo dhaweynay " Magaalaadda London" Waxa loo dhigay xafalad Yaab leh, isaga oo si cad halkaa uga sheegay in uu dib ugu soo noqday Xusbiggii laga soo doortay ee " Waddani" isla goob-taas uu " Xildhibaan hore Mudane Cabdiraxmaan Aw Xoog uu Xafaladdii ugu xidhay " Biladdii Waddani" Calankii Waddanina uu huwaday. Markii uu dalkii ku noqday-na uu la kulmay Gudoomiyaha Ruuxiga ah ee Beel-weynta Garxajis " Gudoomiye Cade-Gude" Iyo xildhibaanka Deegaanka Hargeysa ee sharafta mudan "Mudane Saciid Cudhay".


 

Maalin-ba ta ka dambaysa, waxa sii cadaanaaya in uu maamulku Hargeysa laf-tiisu uu yahay Argagi-xiso aan biyo is marin. waxad arakay-aa waxa intii hore-ba yidhaahi iska ilaawa, Waxa saaka dhacay hore ay somalidu u tidhi " Waa lama arkaan iyo lama maqlaane" Waxa ku kelifay in ay isugu tagaan Booliis ku sheega askarigu ku adeegtaa, ee ay ku dileen, kuna burburiyeen baabuur-kiisii " Xil.Jamaal" Waxa weeye, maxaad dib ugu noqotay " Waddani" Ee aad uga tagtay qawlay-satadda dalkii iyo dadkii baabi'iyey ee " Qudhmiye". Kuwa aad naf ka sugaysaan, ee aad noogu sheegay-saan waxay dhex u yihiin Ummadda, oo Amni bay ilaaliyaan waa kuwaas shaqa-dooddii noqtay, in ay ugaadh-sadaan, wixii ay u tuhmaan in ay askariga " Raggii ma adigaa ka hadhay" ku mucaarid yihiin, hore-na kun jeer bay u dhacday, tanina waa af-kala- qaad cusub iyo niyad jab kale oo ku timi ummaddii, daliil-kiina waa kaas ina hor yaalla. Akhristaw waana sababta uu uga meeraysa-naayo in uu qabto " Doorasho Madax-Weyne" Waayo wuu ka baqanayaa, oo wuxu og-yahay in laga helaayo, cidna aanay u foodayn,la nacay oo uu bacaad haysto, waana xaajadda ku keliftay in uu kolba derbi isku qaado, amar siiyo KDQ, kuna yidhaaho waxa aan sharci loo hayn ee hir-geliya, waa Ururadda Gacan-ku-rimiska ahe.


* N.B Xil.La Dilaa Waa Xeelad Daciif Iyo Xanuunkii Waalidda Ee Askariga.


Qore:- Abdi-Shotaly.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...