Maxay Tahay Aragtida Xuseen Caydiid Kaga Horyimid Waddani Kuna Taageeray Kulmiye?

0
Monday July 17, 2023 - 09:19:40 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2553
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Maxay Tahay Aragtida Xuseen Caydiid Kaga Horyimid Waddani Kuna Taageeray Kulmiye?

    ''waa aragti aan caawineyn u hawl-gelidda in Somalilandnimo lagu soo dabbaalo dadka''

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

''waa aragti aan caawineyn u hawl-gelidda in Somalilandnimo lagu soo dabbaalo dadka''



Hargaysa (HWN) Ex. Wasiir Xuseen Axmed Caydiid ayaa sheegay in haddii jagada Gudoomiyaha golaha wakiilada loodoorto cid aan ka soo jeedin Gobolka Sool taasi ay jaanis siinayso Somaliland-diidka.

 

Xuseen ayaa qoraal uu kaga hadlayo loolanka loogu jiro jagada Gudoomiyaha Golaha Wakiilada oo uu baahiyay ku sheegay in jagadaasi ku haboontahay in beesha Dhulbahante xildhibaanada kaga jira golaha mid kamid ah loodoorto, sida uu ku sheegay qoaalkan hoose oo uu baahiyay:-

 

Jagada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada

"Aragtida ah "hebel Sool bari iyo Sanaag koonfureed waxba kama soo qaban karo," hadda isagoo degaannadaa u dhashay, "sidaa darteedna looma baahna in guddoomiyenimada Golaha Wakiillada loo doorto," waa aragti aan caawineyn u hawl-gelidda in Somalilandnimo lagu soo dabbaalo dadka degaannadaa. Is-weydiintu waxay tahay: haddii aanu qof degaannadaa u dhashay wax ka soo qaban karin, waa kee ka kale ee aan degaannadaa u dhalan ee arrintaa wax ka soo qaban karaa? Jawaabta waxaan u arkaa ma jiro.



Markay sidaa tahay,  doorashada loo doorto qof kasta oo kale oo aan degaannadaa ka soo jeedin jagadaa kor ku xusan, waxay keeneysaa in lagu beer-laxawsado dadka degaannadaa oo la yidhaa, "wa taa Somaliland idinka maarantay ee jagadii keli ahayd ee aad qoondaynta u lahaydeen ay idinka qaadeen."


Waxa kale oo ay tallaabadaasi noqonaysaa mid hawl ka furata dadka degaannadaa ka soo jeeda ee Somaliland-diidka ah ee awalba layn jirey dadka degaannadaa ka soo jeeda ee Somaliland xilalka ugaga magacawnaa degaannadaa, muddooyinkan dambena ku khasbaya qof kasta oo ka soo jeeda degaannadaa in uu iska casilo xilka uu u hayo Somaliland.


Markaa, haddii la doonayo in dadka degaannadaa lagu soo dabbaalo Somaliland, waa in la xoojiyo hawl-gallada siyaasadeed ee dadka loogu caqli-celinayo. Xoojinta hawl-gallada siyaasadeed waxa ka qayb-qaadanaysa doorashada loo doorto jagadaa guddoomiyenimada Golaha Wakiillada qof ka soo jeeda degaannadaa, ee yaan arrintaa wax muran ah la gelinin. Waa macquul in dooddu noqoto: xildhibaannada ka soo jeeda degaannadaa keebaa ugu habboon ee ugu fara-dhuudhuuban ee xaaladdaa adag wax ka soo qaban karaya, laakiin in cid kale xilkaa loo cumaamado, ujeeddo kasta oo laga leeyahayba, waxaan u arkaa in ay  Somaliland ku tahay dhabar-ka-wareen" ayuu Xuseen ku yidhi qoraalkiisa.

 

Qoraalkan Xuseen ayaa taabacsan aragtida Xisbiga Kulmiye ee ah in Faratoon oo ka soo jeeda Gobolka Sool loodoorto jagadaasi, halka ay ka hor imanayso aragtida Xisbiga Waddani ee ah in jagadaasi doorkan la siiyo Gobolka Awdal.

 

Xuseen ayaana aragti ahaan ka hor yimid saaxiibadiisii Xisbiga Waddani, halka uu umuuqdo in uu taageeray fikirka Kulmiye oo uu hogaaminyo Muuse Biixi oo ayna isku fiicnaan jirin Xuseen.

Loading...
Loading...