Sacuudiga Oo Mar Kale U Yeedhay Dhinacyada Ku Dagaallamaya Suudaan

0
Sunday July 16, 2023 - 15:24:37 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 583
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Sacuudiga Oo Mar Kale U Yeedhay Dhinacyada Ku Dagaallamaya Suudaan

    ''Sucuudiga iyo Mareykanku Wali ma aysan xaqiijin in dib loo bilaabayo wadahadalka''

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

''Sucuudiga iyo Mareykanku Wali ma aysan xaqiijin in dib loo bilaabayo wadahadalka''



Wakiilo ka socda Suudaan ayaa gaaray magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga si ay dib u billaabaan wadahadallada ay la leeyihiin Jabhadda Rapid Support Forces (RSF), sida ay ilo-wareedyo ka tirsan dowladda Suudaan u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters Sabtidii, kaddib saddex bilood oo dagaal uu dhexmaray ciidammada iyo RSF.

 

Wadahadaladii hore ee Jeddah oo ay fududeeyeen Sacuudi Carabiya iyo Mareykanka ayay labadda dal hakiyeen horraantii bishii June kadib markii dhowr jeer la jebiyey xabbad-joojinta.

 

Sucuudiga iyo Mareykanku Wali ma aysan xaqiijin in dib loo bilaabayo wadahadalka u dhaxeeya dhinacyada isku haya Suudaan.

 

Dhanka kale, isku day dhexdhexaadin ah oo Masar ay bilowday Khamiistii, ayaa waxaa soo dhaweeyay militariga Sudan oo xiriir dhow la leh Masar iyo RSF.

 

VOA


Loading...
Loading...