Ayaa Ka Garaaba Qalad ( Abdi-Shotaly.

0
Sunday July 16, 2023 - 11:17:08 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1588
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Ayaa Ka Garaaba Qalad ( Abdi-Shotaly.

    * N,B Waxaan Godob-teedu Hadhin, Gar Aad Leeduu Og-yahay, Nin Kaaga Masuugay Gole!

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

* N,B Waxaan Godob-teedu Hadhin, Gar Aad Leeduu Og-yahay, Nin Kaaga Masuugay Gole!

 

No description available.



Qofku in uu isagu is barto baa wacan, inta aanu cid wax ka sheegin, oo wuxu yahay ogaado, in aad adiga oo aan waxba ahayn, aad harag libaax soo xidhataa waa naaqisnimo, waayo kii uun baad tahay, nin seexday oo soo toosay waa kii uun, oo wax iskama bedelin, wixiisii uun buu la soo kacay, waxan shicibka u sheegayaa, askarigan derderani, waa ta maskaxdiisu siisay, in uu madaxdda goboladda ku amro, in aan mucaaridku qabsan shir ka soo hor jeedda, ama beel ku biiraysa Xusbi-yadda Mucaaridka ah, oo uu yidhaaho iska hor taaga, yaanu suuro gelin shir-kaasiye. 


Wuxu mujaahidnimo ku sheegtaa, murtidaa uu Abwaan gaariye ku tilmaamay " S-tii gudahaan ahoo, ri' baan beri gees ka ridsay" Meel uu kaga ridayna la garan maayo, oo uu dagaal SNM ah ka qayb qaatay Ma jirto oo " Waa meesha kama tege, Waxana kama tare" Ama dagaal uu ka qayb qaatay,laakiin fal uu abaan-duule ka ahaa la soo heli-maayo ( He never been the head of one single operation in SNM liberation). Waxa la yaab ah hadaba, oo maanta dhegaha faraha ay ummaddii gelisay, falalka uu ku kacaayo, isaga oo ay taariikh-diisu cayn-kaas tahay, horta wax walba waxa ka horeeya wax ma loo diran jirey.Somalidu waxay ku maah-maahdaa " Gabal dumay Guri Ma nuuro". Ee kan cadceediisii way dhacday.


 

Markii meel waliba ay dhabaqday, baa wuxu hadda daba qabsaday dariiqii caadiga ahayd ee lagu yaqaanay askarta, kaas oo ahaa aniga mooyee cid kale wax ma odhan karto, dabeed ilayn waa caqliggii kii aynu naqaanaye, wuxu bilaabay, in siddii af-weyne , uu xidh-xidho Abwaanadda sheega khald-kiisa, siddii Hdraawi, Ibraahim gadhle oo jabuuti u baxsaday, markuu ogaaday in la raadinaayo, gaariye, Cabdi-qays, Cabdi Iidaan, Qaasim iyo qaar kaloo badan.


Illaah ha u naxariisto'e, Abwaan gaariye tixdiisii Gurmad aan in yar kaa kebisiiyo'e, wuxu yidhi, " Hadaad tahay guur u meer, garaabo adoon qub-qubin, adoon ummdda isku gubin, dad weynahan soo gab yidhi, waxaad ka gadayso mari, waxan godob-teedu hadhin, gar aad leeduu og-yahay, nin kaaga masuugay gole. waxaa geed lala kacaa, gankaad tahay erey la da'a, gaf-kana bashar baad u tee, hadaad ka garawdo qalad, gob bay caadadeedda tahay, qof ay kala gees yihiin, in uu libin-tiisa gado, ninkii yidhi guul ka dhigo, allay-lehe wuu u go'ay, hadaan gu'gga kuu kordhaa, gabaw mooyee ku tarin, garaad iyo waayo arag, ilayn wax ma dhaantid geed, waxaa gabay lagu saxdaa, candhuuftu geftaa dalqadda, markuu milil guud ka dhayo, golxoo dhami maaha dhalan, mar bay ged-kaleeto tahay, dibna-hoo gargariira iyo, gengadda waxa keenta been, gegaa lagu meerrayaa, shacbigu ka gar-soore yahay, waxaa guul sheegan kara, ciday ay u gartaan iyaku. kol ay tahay gaafanaw, hadaad galad waydo kale, s-tii gudahaan ahoo, ri' baan beri gees ka riday. hadaad garta diidan tahay, ku koob diintaad gorod, ha nicin gobolkuu ka yimi, ha giijin xadhkaa ha jarin, ha goyn waxa laysu yahay. 

Af-kaagana godob ka dhawr, adoo wax ka gaws qabsaday, mar baa gefka loo liqaa, in aan danta guud mur-kucan, tixdu way dheer tahay, meelo gaar ah baan ka soo qaatay, hadaba, waxa igu kalifay, aan ku soo dhawaado'e iga hoo. Ilayn askari-waa-askari uun, oo weliba ah kaynu ogayn. kumaa ii sheegaaya, waxa sidani ay u samayna-yaan Kulmiye, oo Raggii ma adigaa ka hadhay uu imika amar askari ku maamulo. Waxa wacan in uu qofku isagu is barto, dad-kuna sidaas ku ogaado, oo ay iyana bartaan, miyey suuro gal tahay arimahani. Waxa uu askarigu si cad uga hor yimi, sharciggii dalka u yaalay, oo uu meel walba fara geliyey waana kan daliilkii:-

No description available.

 

(a) Wuxu rabaa haday tiisa noqon waydo in uu hantidda ummadda uu ka xaday ku iibsado, shir'gudoonkii Wakiiladda, halkuu xaal marayana waa la socotaan, taas oo ah in mid uu iska wato, oo isaga u muraad qumiya dhigtuu rabaa, is, isaga oo gabood ka dhiganaaya Reer sool baa iska leh, balse horta Reer Sool ama Dhulbahante xaguu joogaa, saw ciiro isku qarin maaha.


 

(b) Wax uu Ururo ku sheego, oo gacan ku rimis ah, sharci u yaalaa-ba aanu jirin, buu rabaa maskax xumidiisa in uu fushado, oo iyana aan sinaba suuro gal u ahayn, xagee baa laga dheelaa ciyaartan?


(c) Bal in uu hanfade waalan yahay hadi la'aan-tiisa oo aan lagu soo dhawaan, xaalkiisu yahay Reer hebel iyo hebel ku jiqsii mooyaane, wuxu hor taagan yahay doorashaddii sharciga, xeeraku iyo Distoorku uu ibaaxeeyey ee ahayd ta "Madax-Tooyadda" hadana wuxu ina leeyahay distoor baan ku dhqmayaa, saw waali buure ah maaha.


Waxan ku soo xidhay qoraalkan, gabayggii (INH) Laf-cambe ereyo ka mid ahaa, oo ah " Aduun-yadda nin noolaw maxaa aragti kuu laaban" waa sidaase wax walba waad arkaysaa, tuug Alliyo nebi aan aqoon, sidda Askariga " Raggii ma adigaa ka hadhay" baa raba in uu kuugu soo laba-diblaysto sharci baan fulinayaa, kaas oo n sal iyo raad mid-na lahayn, kanina waa kii aduunku intuu jirey ugu been badnaa, waalaa, doqonsanaa, ugu bilaa caqlisanaa, weliba ay intaas u sii dheer tahay cuqdaddii beerkaa jiiftay iyo naxli ma guuran ah, oo uu ka qabo beelaha qaar-kood.


 

* N,B Waxaan Godob-teedu Hadhin, Gar Aad Leeduu Og-yahay, Nin Kaaga Masuugay Gole!

Qore:- Abdi-Shotaly.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...