Faa'iidooyinka Cajiibka Ee Aadan Ka Ogeyn Isticmaalka Babaayga.
Babaaygu waa khudrad
cajiib ah oo caafimaad badan. Waxaa ku jira maadooyin antioxidants ah oo
yareeya bararka cudurradana la dagaalama isla markaana qof ka caawiya inuu u
ekaado qof da'diisa ka yar.
Nafaqooyinka babaayga
ku jira
Kaloori,
Kaarbohaydareed, Fiber, Borotiin, Vitamin C, Vitamin A, Vitamin B9, Potassium,
calcium iyo Magnesium.
Faa'iidooyinka
caafimaad ee babaayga
Ka hortagga Kansarka:
Cilmi-baaris ayaa soo jeedinaysa in maaddada lycopene ee ku jirta babaygu ay
yarayn karto khatarta kansarka. Waxa kale oo laga yaabaa inay faa'iido u
leedahay dadka laga daweynayo kansarka.
Babaayga waxa uu qani
ku yahay walxo iyo maadooyin la dagaallama cudurka kansarka waxaa ka mid ah
folate, vitamin C, beta-carotene iyo vitamin E oo hoos u dhiga halista cudurka
kansarka.
Daraasad yar oo lagu
sameeyay dadka waaweyn ee qaba caabuqa iyo xaaladaha caloosha, ayaa hoos u
dhigtay waxyeelada cadaadiska iyo unugyada kansarka. Si kastaba ha ahaatee,
cilmi baaris dheeraad ah ayaa loo baahan yahay ka hor inta aan la soo jeedin.
Kolestaroolka iyo
Caafimaadka Wadnaha: Daraasado ayaa mujiiyay in khudradda ay ku jiraa maadada
lycopene iyo Vitamin C ay ka hortagaan wadne xanuunka. Waxyaabaha antioxidants
ka ah ee laga helo babaayga waxay xididada wadnaha ka ilaaliyaan inay ku
fariistaan dufanka kolestaroolka xididadaas oo xirmo waxay sabab u noqdaan
wadne-qabadka.
Gaaska iyo Dheefshiid
xumada: Babaayga wuxuu aad u yareeyaa aashitada caloosha, hadduu qofka leeyahay
laabjeex iyo bog xanuun, babaaygu waa u daawo. wuxuu kaloo babaaygu daawo u
yahay dheefshiid xumada, dibbirada iyo daaco qurunka.
Caafimaadka Maqaarka
iyo Timaha: Babaaygu wuxuu iftiimiyaa maqaarka, wuxuuna koriyaa timaha
sababtuna waa tirada badan ee fitamin A-ga ku jiro iyo inuu ka shaqeysiiyo
qanjirrada saliida soo daayo ee jirka iyo tinta, wuxuu kaloo yareeyaa agoolka,
waana sababta keentay in shirkada qaar ay ku suuq geeyaan kareemyadooda
maqaarka ama tinta loo isticmaalo inuu babaay ka samaysan yahay ama uu ku jiro.
Caado xanuunka /
Caado wareerka: Babaaygu wuxuu ka tirsan yahay cunnooyinka loo adeegsado caado
xanuunka iyo caado wareerka, maadaama babaayga laga helay maado loo yaqaano
"papain" oo dhiiga caadada ku shaqo leh, waxaa la arkay inay
sixisteeda ka qeyb qaadato.
Caadka indhaha: Waxaa
la ogaaday in babaaygu uu hoos u dhigo khatarta caadka indhaha fuula ee loo
yaqaan Cataract. Babaaygu wuxuu qani ku yahay Vitamin A iyo beta-carotene oo
muhiim ah caafimaadka iyo aragga indhaha. Babaaygu iyo kaarootada waa labada
cunto ee la isku raacay in indhaha siiyaan caafimaad buuxa.
Neefta / Xiiqda:
Babaayga wuxuu ka tirsan cunnooyinka yareeyo halista cudurka neefta sababtane
waa maadada loo yaqaano beta-carotene oo aad u badan, haddii aad neef qabtid ku
dadaal cunista babaayga.
Caafimaadka Lafaha:
Babaayga wuxuu kordhiyaa soo nuugista maadada kaalsiyamta oo lafaha laga
sameeyo, wuxuu kaloo yareeyaa in kilyuhu kaalisyamka jirka ka saaraan, waxaa
kaloo laga helaa borotiinada lafaha qaabilsan, intaas oo la isku daray
kulligood waxaa laga helaa lafo caafimaad qabo.
BBC