Xoghayaha Difaaca UK Oo Shaqada Katagayo

0
Sunday July 16, 2023 - 09:38:24 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 829
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xoghayaha Difaaca UK Oo Shaqada Katagayo

    ''Mr Wallace waxa uu xoghaye gaashaandhiga u soo noqday saddex ra'iisul wasaare''

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

''Mr Wallace waxa uu xoghaye gaashaandhiga u soo noqday saddex ra'iisul wasaare''



Ben Wallace ayaa sheegay in uu ka tagayo xilka xoghayaha difaaca marka la sameeyo isku shaandheynta soo socota ee golaha wasiirada kadib afar sano oo uu shaqada hayay.

 

Waxa uu Sunday Times u sheegay in uusan isu soo taagi doonin doorashada guud ee soo socota, balse waxa uu meesha ka saaray in uu ku tagayo "si degdeg ah” oo uu dhalinayo doorasho ku celis ah.

 

Mr Wallace waxa uu xoghaye gaashaandhiga u soo noqday saddex ra’iisul wasaare, Wuxuuna door weyn ka qaatay taageerada Ukraine, oo ay ku jirto inuu kormeero hubka iyo gaadiidka lagu wareejiyay ciidankeeda.

 

Ilo wareedyo ayaa BBC-da u sheegay in isku shaandheynta gollaha wasiirada ay dhici doonta bisha soo socota ee September.


Loading...
Loading...