Maamulka Madaxweyne Biden Oo Cafinaya Deynta Lagu Leeyahay Ardeyda
Maamulka Madaxweyne
Biden, ayaa baabi'iyay $39 bilyan oo u dhiganta (£29.7bn) oo deyn arday lagu
lahaa ah, oo laga doonayey iney bixiyaan ardey gaareysa 804,000 in ka badan 20
sano.
Deyn cafiska ayaa ka
dhashay "hagaajin" ay dowladdu sheegtay inay ku samaynayso
qorshayaasha horyaalla.
Dadka deynta lagu
leeyahay ee u qalma barnaamijkan, ayaa waxaa la ogeysiin doonaa haddii deyntooda
la cafinayo toddobaadyada soo socda, sida ay sheegtay waaxda waxbarashada.
Waxay ku soo
beegantay toddobaadyo ka dib markii Maxkamadda Sare ee Mareykanka ay diiday
madaxweyne Joe Biden dalab deyn cafis ah oo ardeyda ah, oo dhan $400bn.
Talaabada la qaaday
Jimcihii, ayaa hagaajin doonta khaladaadka maamulka, taasoo ka dhigan in
lacagaha dadka amaahda qaatay qaarkood aan lagu xisaabin inay u qalmaan deynta
cafinta amaahda, waaxda waxbarashada ayaa sidaasi tiri.
"Muddo aad u
dheer, dadka deynta qaatay waxaa soo wajahay nidaam aan wanaag sanayn, kaasoo
ku guuldareystay inuu si sax ah u ilaaliyo horumarka ay ka gaareen
cafiska," ayuu xoghayaha waxbarashada Mareykanka Miguel Cardona ku yiri
hadal uu soo saaray.
Amaahiyeyaasha ayaa
xaq u leh cafiska 20 ama 25 sano ka dib lacag bixinta, taasoo ku xiran
qorshahooda, ayay yiraahdeen saraakiishu.
Qaar ka mid ah
mucaaradka siyaasadeed ee Madaxweyne Biden, ayaa si degdeg ah u cambaareeyay ku
dhawaaqista.