Maxaad Ka Ogtahay Ururka Wada Arrinta Somalia Iyo Somaliland Ee Magacisu Yahay "Centre For Human Diolouge Hd"

0
Thursday June 27, 2019 - 14:31:08 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 2414
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaad Ka Ogtahay Ururka Wada Arrinta Somalia Iyo Somaliland Ee Magacisu Yahay "Centre For Human Diolouge Hd"

    Ururka (Centre for Humantarian dioluge HD ) waxa loo gu magac daray "Henry Dunanta HD" oo ahaa aasaasihii haydda Laanqayrta Cas,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka (Centre for Humantarian dioluge HD ) waxa loo gu magac daray "Henry Dunanta HD" oo ahaa aasaasihii haydda Laanqayrta Cas,

waxa  uu ahaa shakhsigii ugu horreeyay ee lagu abaal maryo billadda  "Nobel Peace Prize”, Ururkan waxa la  asaasay 1999kii,waddanka Switzerland ,wuxu ka shaqeeyaa sidii la isgu soo dhoweyn lahaa dhinacyada isku haya dagaalka hubaysan,isla markaana loo yarayn lahaa khatarta Aadminimo,ujeedada ugu wayni ee loo sameeyay waxa weeyaan inay u kala dab qaaddo madaxda dhinacyada isu cadowga ah,iyo sidii ay u abuuri lahayd masrax iyo jawi lagu wada hadli karo.



Waxa kaloo uu sameyaa ururkani  Cilmi baadhis iyo faaqidaad waxyaabaha keenay kala fogaanshaha,waxayna hoos u raacdaa dagaallada ka dhashay Qoomiyadaha iyo Jinsiyadaha iyo dhaqamada soo jireenka ah, ee ka jira meelaha colaaduhu ka taaganyihiin ka jira,qaab kasta iyo waddo kasta oo loo fudayn karo in la wada xidhiidho way ku dadaashaa,dadaalkaas haddii uu midho dhal noqdo waxay u gudbisaa Heer caalami sida UNta oo kale,waxa kaloo ay soo saartaa warbixino iyo qoraallo ku saabsan arrimaha Xuquuqda Aadmiga.


Ururka xaruntiisa guud waa Geneva Switzerland,waxa uu laamo ku leeyahay America,Asia iyo Afrikaba.

Waddamo aad u badan ayuu ka soo shaqeyay Ururkani heshiiskii Kenya ay gaadhay ayaa ka mid ahaa  2012kii waxa kale oo Ururkan kani ka soo shaqeeyay waddamo badan  oo ay ka mid yihiin,Libiya,Sudan,Syria,Jamhuriyadda Afrikada dhexe,Nigeria,Senegal,Liberia,Somalia,Mali,Indonesia,Timor,Burundi,Nepal iyo Ukraine iyo meelo kaloo badan oo Caalamka ah.wakhtigan la joogo hadda Ururku wuxuu gacanta ku hayaa illaa 40 waan waanood iyo wada xaajood oo ka socda 25 waddan.Ururku waa heer caalami,waxaana wada shaqayn la leeyahay hay’adaha Qaramada Midoobay UN.


Haddaba Ururku maaha Urur la howl yaraysan karo,ee muhiimaddu waxay tahay Cidda wada hadlaysaa ama la wada hadalsiinayaan ma ka go’an tahay in la wada hadlo (Commitment), qiimaynta wufuudda iyo habka Protocolku waa Su’aal kale oo cilmigeeda u baahan iyo goorteeda,haddii labada dhinac sidooda u kala fogyihiin macno ma samaynayso hebelbaa tagay iyo inuu hebel ka maqnaado ayay ahayd.


Somalia iyo Somaliland hadday ka go’antahay inay wada hadlaan,waa wax aad u fudud cid kala hor joogtaana ma jirto,haddiise aanay ka go’nayn cid madaxa soo qaban kartaa ma jirto oo odhan karta khasab ku wada hadla,keliya dhinaca wada hadalka ogoli waa inuu is barraxaa oo banaanka is taagaa oo yidhaa anigu dhinacayga Diyaar ayaanu u nahay wada hadal,si daawadayaashu u arkaan.

Rashiid Odowaa M.A Diplomacy and IR

[email protected]

063-4101213

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...