Islaamka Iyo Abla Ableynta Nolosha Iyo Noolaha.
Iyadoo ay taasi jirto ayuusan Islaamku misana marna
Inta badan Diinta Islaamku waxyaabaha ay ka hadasho waxaa ugu badan Duruus la xariirta Iimaanka iyo Rumeynta Rabbi,iyo cadaynta inuu jiro Milkiile kaligiis ka arimiya Koonka oo isagana sameystay.
Sidaa darteed Diinta Islaamka inta badan kama hadasho waxyaabo ka baxsan hadyigii ay u timid ee ahaa ku hanuuninta Bani Aadamka dariiqa Alle oo ay dhacaysay in ay marar badan dadku ka weecdaan.
Ilaahay waxa uu inoo sheegay inuusan cayaar cayaar u abuurin Dunidan ee sababta uu u abuuray ay tahay dan weyn oo Xaq ah oo mudan in Rabigii ku deeqay loogu xamdi naqo kaligiisna lagu caabudo oo lagu weyneeyo.
وَمَا خَلَقْنَا السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ وَمَا بَيْنَهُمَا لَاعِبِينَ (38) مَا خَلَقْنَاهُمَا إِلَّا بِالْحَقِّ وَلَٰكِنَّ أَكْثَرَهُمْ لَا يَعْلَمُونَ (39)
"Ma aanan abuurin Samaawaadka iyo Arlada iyo inta u dhaxaysa anaga oo iska cayaarayna,waxaan u abuurnay si dhab iyo ula kac ah oo Xaq ah laakiin dadka badankooda taas ma oga"
Wuxuu kale oo Rabbi mar kale yiri:-
"وَمَا خَلَقْنَا السَّمَاءَ وَالْأَرْضَ وَمَا بَيْنَهُمَا لَاعِبِينَ (16) لَوْ أَرَدْنَا أَن نَّتَّخِذَ لَهْوًا لَّاتَّخَذْنَاهُ مِن لَّدُنَّا إِن كُنَّا فَاعِلِينَ (17) "
"Ma aanan abuurin Samaawaadka iyo Arlada iyo inta u dhaxeysa inagoo iska cayaarayna,oo hadaan doono inaan lahwi iska sameysano agtanada ayaan ka samaysan lahayn hadaanba nahay kuwo sidaa yeelaya".
Ilaahay sareeye ee wuxuu u abuuray Dunida waa Xaq waana sidaa uu noo sheegay,oo kolkuu Dunida abuuray wuxuu ku abuuray noocyo kala duwan oo Abuur ah sida Insi iyo Jini iyo Xayawaano iyo Jamaadaad iyo waxyaabo kale oo Bad iyo Berriba laga heli karo.
Ilaahay waxa uu inoo sheegay in ay Cirka iyo Dhulkaba markii hore ahaayeen kuwo isku dhagan oo uu kala qaaday oo kala qarxiyay ka dibna uu Uunka oo dhan Biyo ka abuuray oo isla Biyahana Nolol oga dhigay.
أَوَلَمْ يَرَ الَّذِينَ كَفَرُوا أَنَّ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ كَانَتَا رَتْقًا فَفَتَقْنَاهُمَا ۖ وَجَعَلْنَا مِنَ الْمَاءِ كُلَّ شَيْءٍ حَيٍّ ۖ أَفَلَا يُؤْمِنُونَ (30
"Miyeysan arkaynin kuwa Xaqa diidan in ay Samaawaadka iyo Dhulka ahaayeen kuwo isku dhegan oo aan kala furfurnay oon kala qaad qaadnay ka dibna aan Biyihii ka ahaysiinay Nolosha wax kasta ee miyaysan rumeynaynin".
Rabi ka dib kolkii uu Koonka abuuray ee uu ku dul abuuray khalqiyada kala gadisan wuxuu mid kasta u yeelay abuurkiisa khaaska ah iyo qaab nololeed u gaar ah oo uu ula falgalo Dunidan la keenay.
Oo Alle mar uu arintaa tilmaamayay waxa uu yiri:-
قَالَ رَبُّنَا الَّذِي أَعْطَىٰ كُلَّ شَيْءٍ خَلْقَهُ ثُمَّ هَدَىٰ (50)
"Wuxuu yiri-Nabi Muuse-Rabigayo waa midka wax kasta sii yay abuurkiisa misana ku hagay sidii uu u noolaan lahaa".
Abuurka aan la koobi karin ee uu Alle Arlada ku abuuray waxa uu si gaar ah oga xushay Insaanka oo uu ka dhigay Masuul uu u igmaday maamulida arimaha Koonka oo uu ku aaminay imtixaana oga dhigay masuuliyada inta Dunida saaran oo idil.
وَإِذْ قَالَ رَبُّكَ لِلْمَلَائِكَةِ إِنِّي جَاعِلٌ فِي الْأَرْضِ خَلِيفَةً ۖ قَالُوا أَتَجْعَلُ فِيهَا مَن يُفْسِدُ فِيهَا وَيَسْفِكُ الدِّمَاءَ وَنَحْنُ نُسَبِّحُ بِحَمْدِكَ وَنُقَدِّسُ لَكَ ۖ قَالَ إِنِّي أَعْلَمُ مَا لَا تَعْلَمُونَ (30)
"Bal xus waqti Alle ku yiri Malaa’igta Aniga Dhulka waxaan u samaynayaa mid Khaliif ka noqda oo maamula,sey Malaa’igtii tiri ma waxaad dhulka maamule oga dhigaysaa mid fasaadinaya oo dhiigga ku daadinaya iyada oo aan anaga ku nasahayno adiga oo aan nuqsaan oo dhan kaa dahirayno,dabeeto wuxuu Alle yiri waxaan ogahay wax aydaan idinka mMalaa'igta ah ogayn"
۞ وَلَقَدْ كَرَّمْنَا بَنِي آدَمَ وَحَمَلْنَاهُمْ فِي الْبَرِّ وَالْبَحْرِ وَرَزَقْنَاهُم مِّنَ الطَّيِّبَاتِ وَفَضَّلْنَاهُمْ عَلَىٰ كَثِيرٍ مِّمَّنْ خَلَقْنَا تَفْضِيلًا (70)
"Bani Aadamka waan karaameynay waxaanan u xilsaarnay oon ku qaadnay Berri iyo Badba waxaanan ku irsaaqnay waxyaabaha wanwanaagsan,oo waxaan ka fadilnay in badan oo Khalqiga ah si waliba doorasho dhamaystiran ah".
Cidda Aadanaha ku soo xigta ee iyadana Masuuliyada culus wax laga saaray waa duulalka inaga qarsoon mid ka mid ah ee Jiniga loo yaqaan in kasta oo uusan Jinigu u xilsaarneyn xaga Khaliifnimada Koonka.
وَمَا خَلَقْتُ الْجِنَّ وَالْإِنسَ إِلَّا لِيَعْبُدُونِ (56)
"Jini iyo Insiba waxaan u Abuurnay inay aniga i caabudaan"
Yacni ay Aniga i weyneeyaan oo ay kaligay talada iyo amarka Cadaaladda iyo wanaaga ku saabsan iga qaataan oo ay Dulmiga ka dheeraadaan Dunidan aan dul keenayna aysan fasahaadin"
Wuxuu kale oo Alle ugu goodiyay labadan Makhluuq ee sida gaarka loo xushay ee Masuuliyadda lagu cusleeyay inuu la xisaabtami doono Qiyaamaha oo uu ka jaazin doono Samaan iyo Xumaan sidii ay Dunida ugu dhaqmeen.
Oo wuxuu yiri Alle:-
سَنَفْرُغُ لَكُمْ أَيُّهَا الثَّقَلانِ (31)
"La xisaabtankiinu waan u firaaqoobi doonnaa labadan Masuuliyadda lagu cusleeyayoow".
Runtii waa Nimco weyn in Rabi inaga doortay Khalqiga intaas la eg ee isugu jira kuwo inaga waaweyn kuwo inaga yaryar kuwo aan arki karno kuwo aan arki karin,kuwo inoo eg balse aan Caqli inagu gaarin iyo kuwo inaga duwan intaba.
Sidoo kalana waa Masuuliyad weyn oo laynagu aaminay sida aan ula falgalayno oon ula dhaqmayno Khalqiga kala duwan ee intaas la eg ee la soo dul dhoobay Duni maamulkeedii laynoo igmaday.
Dhab ahaantii waa Ummado laynagu imtixaanayo Noolahaas kala duwan ee Bad iyo Bariba ku nool ee isagu jira kuwo adimo ku socda iyo kuwo beerka ku siqaba.
وَمَا مِن دَآبَّةٍ فِي الأَرْضِ وَلاَ طَائِرٍ يَطِيرُ بِجَنَاحَيْهِ إِلاَّ أُمَمٌ أَمْثَالُكُم مَّا فَرَّطْنَا فِي الكِتَابِ مِن شَيْءٍ ثُمَّ إِلَى رَبِّهِمْ يُحْشَرُون) [الأنعام: 38].
"Waxa noole Dunida jooga ee isugu jira kuwo dDhulka ku dul socda iyo Shimbiro garbahooda ku duula waa uun Ummado idinkoo kale ah,kitaabkaa waxba kagama aanan tagin intaa dabadeed xaga Rabigiin uun baa laydinku kulmin doonaa".
Bal eeg inta Xayawaan ee Dunida dulsaaran,bal eeg sida ay qaarkood isugu eg yihiin ee dhoobadooda meel looga wada qaaday iyada uu misana mid kasta kan kale si uun uu uga duwan yahay.
"وَاللَّهُ خَلَقَ كُلَّ دَابَّةٍ مِّن مَّاءٍ ۖ فَمِنْهُم مَّن يَمْشِي عَلَىٰ بَطْنِهِ وَمِنْهُم مَّن يَمْشِي عَلَىٰ رِجْلَيْنِ وَمِنْهُم مَّن يَمْشِي عَلَىٰ أَرْبَعٍ ۚ يَخْلُقُ اللَّهُ مَا يَشَاءُ ۚ إِنَّ اللَّهَ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ "
"Ilaahay waa midka ka abuuray wax kasta oo Dhulka dul jooga biyo waxaana ka mid ah mid Caloosha ku socda oo xamaarta,oo waxaa ka mid ah mid laba lugood ku socda sidoo kale waxaa ka mid ah mid afar adin ku socda,ilaahay wuxuu doono ayuu abuuraa waana mid wax kasta kara".
أَوَلَمْ يَنْظُرُوا فِي مَلَكُوتِ السَّمَاوَاتِ وَالأَرْضِ وَمَا خَلَقَ اللَّهُ مِنْ شَيْءٍ وَأَنْ عَسَى أَنْ يَكُونَ قَدِ اقْتَرَبَ أَجَلُهُمْ فَبِأَيِّ حَدِيثٍ بَعْدَهُ يُؤْمِنُونَ (185)
"Oo miyeyan arag milkiyadda Samaawaadka iyo Arlada iyo waxa uu Eebe abuuray,waxaa dhici karta in ay mudada Noloshooda dhow dahay,Ee sheeko tee ah ayay Xaqa dabadii rumaynayaan”.
Bani Aadamka Laftiisa ayuu Eebe ku sheegay in uu Abuurkiisa heerar kala duwan soo maray.
"وَقَدْ خَلَقَكُمْ أَطْوَارًا (14)
"Eebe waa midka idin abuuray ee Abuurkiina soo mariyay Dowrar kala duwan.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...