Alliances * Isbahaysi* 26/6/019

0
Thursday June 27, 2019 - 14:25:39 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1291
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Alliances * Isbahaysi* 26/6/019

    Isbahaysiyadu iyaguna waxay qayb ka yahiin qaabeeyaasha xidhiidhka caalamigaa iyagoo ka eegaya dhinacyo badan sida nabadgalyada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isbahaysiyadu iyaguna waxay qayb ka yahiin qaabeeyaasha xidhiidhka caalamigaa iyagoo ka eegaya dhinacyo badan sida nabadgalyada (security policy ), si kastaba ha ahaatee isbahysiyadu (alliance ) waxay qaabeeyaan siyaada aduunka iyagoo uraacay siyaasda arimaha dibada, matalen isbahaysiyadu waxay u isticmaalann siyaasada sida defaaca iyo in ay bilaabaan howalgalo military iyagoo u mary siyaasada arimaha dibada.



Si kastaba ahaatee , dabeecadaha arimaha dibada waxaa ku jira in isbahaysiyadu ay u baahan yahiin khayraad iyo sidii loogu qondayn lahaa khayraadkaas, korodhka ay siyaasada arimaha dibadu korodhay ayaa waxay ka dhigtay isbahaysiyada in ay ka midnoqdaan siyaasada arimha dibada,maxaa yeelay isbahaysiyadu (alliance ) waxay jecel yahiin xeerarka caalamka ( international law) maxaa yeelay xubnaha ka mid ah isbahaysiyada waxay ka jawaabaan codsiyada iyo dalabka isbahaysiyadooda, waxayna u diidaan amaba ficil bay ka bixiyaan hadii lagu soo duulo dal kamidah isbahysigooda,


Sikastaba ha ahaatee, isbahaysiyadu waxay u adeegaan loona adeegsadaa (tools ) siyaasada arimaha dibada, hadaba fidinta iyo adkatnta nidaamka isbahaysiyadu waxa uu soo muuqday (post-1945kii ) dagaalkii labaad kadib , waxayna  saamayn  yeesheen markii USA,IYO,USSR, aqoonsadeen una isticmaaleena isbahaysiyadii aalad (means) lagu ilaaliyo danahooga khaaskaa ,


Waqtigii dagaalkii qaboobaa xubnaha ‘ Warsaw pact” iyo NATO , waxay si xor  ah u samyn jireen siyaasadooda arimaha dibada, dal walbana waxa uu xulufaystaa kolba halka dantiisuku jirto ,isagoo eegaya danaha isbaysigiisa iyo tiisa gaarkaaba ,

 

Dabaqida siyasada gudaha ( domestic deterninanta of foreign policy )

Sidii aynu uga soo hadalnay qodobkii ku tacluqay (external forieng policy ) ee arimha dibada ayey u jirtaana saamayn ay arimha gudahu  ku leeyahiin (internal )  siyaasada arimaha dibadu gudaha dalalka ,taas oo aha  in ay saamayna ku leeyahiin dabeecadaha arimaha gudaha  ,Matalan dalalka aduunku waxay ku kala duwan yahiin xajmiga (size) dhaqan dhaqaalaha ha (socioeconomic development ) iyo siyaasada xukumaha jira  (political regime )  waxaa kale oo dalalku ku kala duwan yahiin hayadaha siyaasadeed iyo qaab dhismeedka bulshada (societal structure ) ,military , awooda dhaqaale(economic capabilities )  iyo hab dhaqanka qorshaynta (strategic culture ) , waxaa kale oo dalalku aanay iskga mid ahayna rayiga guud ( public opinion) doorka fikirka wadanimo , iyo goaan gaadhida ( decision making ) iyo haybada  shaqsi ahaaneed iyo ta hogaanimo ahaaneedba, arimahaas oo dhami waxay si toos ah u saameeyaan siyaasada arimaha dibada sida hab u socodkeeda iyo goaan ka gaadhideedaba ,sidaas darted ,shaqaalaha siyaadada dibadu waxay dhaqaajiyaan qadiyadaha siyaasada gudahu kolba sida ay xidhiidh ula leedahay dibad (foreign relation ) sikasba ha ahaatee siyaasadaada dibadu kolba waxaa laga dheehan karaa kolba  sida ay tahay siyaasadaa gudahu (domestic policy )

By: Khadar Adam Aw Muuse

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...