Somaliland: Shalayto Waxaa La Xusay 26kii June, 1960

0
Thursday June 27, 2019 - 14:18:09 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1365
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland: Shalayto Waxaa La Xusay 26kii June, 1960

    Waxaa habeen hore, madaxtooyadda Somaliland ee ku taala magaaladda Hargeysa lagu xusay sannadguuradii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa habeen hore, madaxtooyadda Somaliland ee ku taala magaaladda Hargeysa lagu xusay sannadguuradii
59aad ee maalintii Jamhuuriyadda Somaliland xorriyadii ka qaadatay Boqortooyadda Ingiriiska.


Xuskaa waxaa khudbaddo qiimo leh  ka jeediyey Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo asxaabta siyaasadeed ee xisbiyadda, iyo golayaasha qaranka.



26kii, 1960,  waxaa xorriyadii qaadatay Jamhuuriyadda Somaliland, "gobollada waqooyiga" ee dad qaarkood isku maaweeliyaan, ma jirin.


In ka badan 30 waddan iyo Qaramadda Midoobay ayaa aqoonsaday Jamhuuriyadda Somaliland,  oo lahayd Ra'iisal Wasaare, maamul dawlad, Ciidammo iyo Garsoorba.


Taariikhda lama khaldi karo, oo way qorantahay, oo markhaati baa loo yahay.


Waxaa kaloo shalay la sheegay, in uu nin Xamar lagu ilaaliyo, ubax dhigay taaladii Dhagaxtuur oo labo talaabo u jirta villa Somalia. Ileen, meel durugsan lama gaadhi karee.


Haddii dadka walaaleheen Soomaalida ah, ee ku nool wadamadda aynu deriska nahay, sida Jaboouti, Itoobiya, Soomaaliya iyo Kiiniya, hambalyo uu soo diriyaan Somaliland, waxaannu uga guddoonay qalbi furan iyo kalgacayl, waanu u mahad celinanaa.


Waa Bilaahi Towfiiq.


Cali Maxamed Abokor
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...