Dulmigii Hawaddii Somali-Wayn Iyo Xornimadda Xabasha Aan Ka Soo Saarney!!!
Qallinkii . Mahad Cali-Salaan
Dhamaan waxaan salaamaya bulsho weynta Somaliland mid qurbo jooga iyo mid qolqol joogaba,
Waxaan maanta dib ugu noqdey qoraaladdii si aan tariikh
leh xasuus tiraanyo iyo murugo ku dheehan tahay aan ula wadaago
dhalinta iyo dhamaan ummadda sharafta leh ee Somaliland.
Maanta Somaliland waxaa u Madax-weyne ah Mudane Muse
Biixi Cabdi,ummadda Somaliland waa og tahay wuxuu galo iyo wuxu gudo
markey noqoto jiritaanka iyo xornimadda Somaliland,si fiican ayayna
ogyihiin in uu daacad u yahay gobanimadda Somalilnd mid hore iyo mid
danbeba, Ilaa malintii 1 July 1960 aynu xornimadeena xabaalney
ilaa markeynu xabaasha ka soo faqney 18 May 1991 wali nimankii koonfurta
Soomaaliya sida maraboobta ayey dhexda inoogu marin yihiin cadowga
Somaliland waa Soomaaliya.
Gumaysigu hashuu naga dhaceen,gurayey raadkeeda.
Gu'yaal iyo gu'yaal badan,gama,a noo diiddey.
Goobtey istaagtaba hashaan,joogey garabkeedda.
Guuraa habeennimo hashaan,gebi walbaw jiidhnay.
Waxaan soo guclaynaba hashaan,rag isku soo gaadhney.
Gaashaan-dhiigeedii hashuu,gawowgu eedaamay
Hashii geeddankeedii rag badan,goodku ku casheeyey
Hashay labada gaalee is barkani,geydh u diriraysey
Gacmaa lagu muquunshaye xornimo,noo umay garane
Gare iyo guntane maalintay,gees isugu booddey
Allaa noo gargaaraye markuu,shicib guulaystey
Geerarradeedii hashaan,anigu googgooyey
Galool iyo maraagiyo hashaan,kidiga geylaanshay
Gaajiyo harraad badan hashaan,ugu googgooyey
Goortuu sidkeedii go'aye,galabti fool qaaday
Ayadoo candhada giijisoo,godol fool qaadday
Garaad mid aan lahayn bay la tahay,waad ka gaaggixine.
Annagoo gantaalaha dhaciyo,haysan gori gaaban
Hashaangeedda-weynow libaax uga gabboon weyney
Inaan garaya-cawl ugu tagaa,waa hal soo gudhay.
Akhristoow weli si qoto dheer ma ugu kuur gashay'
Gobannimo waxay tahay? Se ma ogtahay wuxu yahay
Gumeysigu iyo Gunnimaddu ? Se ma la socota in
xoriyaddii aan helney 26 Jun 1960 ay Somali jacayl inaga lumisey oo dib
leynoo qabsadey ? Se ma ogtahay sidey ku timid Gobanimadda Somaliland
iney ku timid qori caradeed iyo dhiig? Se ma la socota in Gobannimadda
maanta aynu haysano in ay u shahiideen110,000 Mujaahid,una dhawacmeen
130.000 mujaahid,una burbureen Magaalooyinka Somaliland,kuna
khasaareen 60 Bilyan U.S Dollar? Maxaad ka dareensan tahay in
Gobannimada aad maanta haysato ay codow iyo nacab badani ku soo maqan
yihiin mid gudaha jooga iyo mid dibadaba kaa jooga? Se ma ogtahay kuwii
keeney in wali ay qaar ka nool yihiin ooy ilaashanayaan Gobannimada?
Akhriste adiga oon meel fogba ka dayin jawaabaha kala gedisan ee
maskaxdaadu ka bixinayso su'aalaha kor ku xusan,bal ii yara kaadi aan
dib kuu xusuusiyo marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martey Gobanimadda
aad maanta ay haysato . Isticmaar reer Yurub ee Africa qabsadey,gaar
ahaan dalaka Somalidu degto,ayaa dalka Somaliland waxaa gacanta u galey
Ingriiska 1827 ayuu heshiiskii ugu horreeyey Ingiriisku la galey
Somaliland waxaana loo bixiyeySomaliland Protectorate macnaheeduna yahay
Somalilndtii la ilaalinayey ama maganta ahayd. Dalalka Soomaalidu
leedahay waa shan dal oo kala ah: 1-Somaliland oo maammulka Ingiriiska
ku hoos jirtey muddo 80 sano ah waxayna ka xoroowdey 26 Jun 1960.
2-Soomaalilda koonfureed oo iyana Talyaanigu gumeysan jirey ilaa 1 July
1960 ` 3-Jabbuuti oo Faransiisku gumeysan jirey oo 27 Jun 1977 ka
xorowdey. 4-Soomoali galbeed oo ilaa maanta cagta xabashidda ku hoos
jirta. 5-NFD (Wajeer)oo xukuumaddii Ingiriisku siisay Kiiniya,walina
gumeysi ku hoos jirta. Dadka reer Somaliland IYAGA ayaa talo ku
gaadheen1960 iney isku darsadaan Soomaaliddii koonfureed,wax khasbayeyna
ma jirin ee Soomaali-jecaylli
awgeed uun baa
keentey iyo
iney shantii Soomaaliyeed helaan oo isu keenaan. Haddaba waxaa dhacdey
Koonfurtii Soomaalia ayey isku darsadeen 1 July 1960.
Xornimadoodii,
Dowladnimadood,
Qarankoodii,
Caasimadoodii,
Taladoodii,
Dakadoodii,
Aqoonyankoodii
iyo dalkii oo dhanba Xamar bay ku-shubeen. Markii Somaliland iyo
Somalia isku darsadeen 1 july 1960 markiiba koonfurtu waxay inoo aragtey
inaan dad waalan nahay oo waxba garaneyn iyadoo sanad la gaadhin kolkan
isku darsaney
waxay bilaabeen howshan xaq daradda ah: Waxay inoo
bixiyeen Somali Qaldaan iyo Fratello Fortunato Folle waa talyaani se
waxay noqoneysa
( Fratello=
Walaalkii,
Fortunato=
Nasiibka
lahaa, Folle=Waalnaa).Macnahani waxaa weeye WALAALKII NASIIBKA BADNAA
EE INTUU XORIYADIISA DHAQSO U HELAY,HADANA XORIYADIISII ISKA QAADEY EE
XAMAR KEENEY 5 CISHO KA DIB. Waxa labadii dal loo bixiyey Jamuuriyadda
Soomaaliya. Waxaana la doonayey shantii Soomaaliya.
Shan Soomaaliyeed oo wada socdoo, calan ku sheekaysta
Shin maa la arkayaa waa su'aal sharad ka yaallaaye???? Intaan wali
dakanadii maqnayd,cidi ka soo doogin Dermo intaynaan wada seexanayn, waa
daliil run ahe. Dawladdii ad tuurtaa nabsigu,kugu dilayaaye!!! Waxaa
dhacayin xasuuq iyo burba loo geysto ummaddii Somaliland markeynu isku
darsaney koonfurta Somalia waxa dhacay halgan hor leh. Somalilnd,Waxaa
halgankii xoriyadda Somaliland 1981 ilaa 1991 ka qayb qaatey dhamaan
burshadda Somaliland mid naftiisa u hura,mud xoolihiisa u hura,mid
qalinkiisa u hura,mid murtidiisa u hura,mid dhawaca qaada.
Gobannida ay Somaliland maanta haysataa si aanay
haddana faro dhexdood uga bixin,waain loo duug fiiriyaa,oo marba dib loo
ileeyo ama iftiimiyo bogagga madow ee ay ku qoran tahay tariikhdii
abaal-xumida iyo gunnimadii laga dhaxley hawadii Soomaali-weynta ahayd
iyo qiiradii degdegga ahayd ee 1 July 1960.
Wabilaahitawfiiq.
Mahad Ali-Salaan.
Hargeisa
Mobil 0634050004
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...