"Looma Baahna Furista Dastuurka Puntland" Cabdiweli Gaas.
Ra’iisul
wasaarayaashii hore ee Soomaaliya Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo Cumar
Cabdirashiid, oo dhawaan Garoowe tagey ayaa sheegay in aysan halkaa u tagin
xalinta shaqaaqadii Garoowe ka dhacday dabayaaqadii bsihii Juun.
Cabdiwali Cai Gaas
ayaa BBC-da u sheegay in sababta ay halkaa u tageen isaga iyo mas’uuliyiinta
kale ay tahay taageeridda shirka ismada dhaqanka oo looga hadlayay arrimaha ku
saabsan dagaalkii Garoowe iyo sidii nabad loo dhex dhigi lahaa dhinacyadii
dagaallamay.
Wuxuu sheegay in ay
muhiim tahay si looga baaqsado dagaal dambe in Meesha laga saaro dastuur
furista isla mrakaana ay doorashadu waqtigeeda ku dhacdo.
Ra’iisul wasaarihii
hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa dhankiisa sheegay in
maadama khilaafkan uu ka dhashay furista dastuurka ay tahay in arrintaa aan
hadda loo baahneyn isagoo xusay in haddiiba wax laga badelayo dastuurka ay
tahay in si wada jir ah oo ku saleysan wadatashi wax looga badelo.
Wuxuu intaa raaciyay
in dastuurka aan loogu tala galin in hadba dowladdii timaada ay waxey doonto ka
badesho iyadoon cid kala tashan
BBC