Komishanka Doorashooyinka Somaliland Oo Kulan La Qaatay Baarlamaanka.
Hargaysa (HWN) Komishanka
Doorashooyinka Somaliland ayaa bilaabay kulamo ay la yeelanayaan qaybaha kala
duwan ee Bulshada, iyagoo kulankii ugu horeeyay la yeeshay masuuliyiin katirsan
Beesha Caalamka.
Maantana waxay kulamo
la qaateen Shirgudoonka labada gole ee
Baarlamaanka Somaliland, waa golaha wakiilada iyo sidoo kale Golaha Guurtida.
Xogaha ayaana
sheegaya inay sidoo kale maalmaha soosocda ay kulamo la yeelan doonaan Muuse
Biixi iyo sidoo kale xisbiyada mucaaradka.
Kulamadan ayaa daaran
doorashooyinka Somaliland oo weli la’isku hayo ta soo horaynaysa.
Kulamadan kala duwan
ee ay Komishanka doorashooyinka Somaliland bilaabeen ayaa ku soo beegmaya xili
maalintii shalay ahayd Maxkamada sare ku soo celisay Komishanka warqad ay
udireen Maxkamada sare oo ay ku dalbanayeen tafsiir sharc.