Tallo-ba Canaad-kaan Ka Aqaan (Abdi-Shotaly.
Waaliddii Askarigu waxay bilaabantay markii Mudane Xirsi Xaaji Cali loo doortay "Gudoomiyaha Waddan" Welina looma helin xal maryaha lagu qabto. Aan ku soo noqdo waxan qalinka u qaataye, iga qabo waa tane. Horaa loo yidhi "Wallee ina ragaw tallo aduun, taadda uun maaha" Komishankii wixii ay ku tashdeen socon wayday, oo kubaddii dib bay ugu soo laaday Maxakamaddii, oo gool-koodda bay fadhidaa hadda, mana garanayaan siday ugu saari lahaayeen, oo gool walahooddii baa ka diidan in uu ka laado waa " Askariga'e". Imika meel ay ka baxaan ma jirto iyo ila meerayso dambe, waa in ay laba mid uun soo maraan:-
(a) In ay waxa askarigu rabo yeelaan, oo wax aan sharci ahayn jideeyaan, taas oo ah in Sool iyo Sanaag Bari taga'e ay inta soo hadhay dagaal geliyaan, dabeed beel waliba deegaan-keedda calan ka taagto.
(b) Iyo in ay Ummadda kala badbaadi-yaan, oo ay qabtaan " Doorashadda distooriga ah waa ta " Madax-tooyada'e" Sidaas awgeed Komishanka waa in labadaas dariiqo tuu rabo uu soo maraa, waa loogu diyaare. War kale oo meesha yaalaa ma jiro.
Ummad yahay dalkan cidda wareerka iyo ila meersadda gelisay, qof-naba kama qarsoona ee hadaan indhaha la iska ridayn, oo aan been iyo munaafaqad banaanka taalla, si cad u muuqara aan lagu dhaqmayn. Adoon meel dheer-ba ka doonin akhristaw, ka waxaas dhigay waa waalidda iyo tallo xumaanta askariga ku jira guriggii Moorgan ee " Xaafad-tooyadda", kaas oo aan Illaah-ba goror ugu shubin madaxa, oo maamul-kiisu yahay " Tallo-ba canaad-kaan ka aqaan" Taas oo micnaha-heedu yahay hadaad gar-bixiye noqoto oo aad wax hagaajiso, ama aad qaadato waxa lagaaga gar leeyahay waa lagaa adkaaday, ee wax kaste diid, isku cuna-duub xaajo kaste, xildhibaanaadda wakiiladda kala iibso, Farootoon gudoomiye iiga dhiga, reer hebel kala qaybi. Haba-yaraatee ma jirto dal iyo dad wax loo qabtay ilaa iyo maalintii uu kursiga boobay, nin waalan qofka reer u tali yidhi isagaa ka sii liita.
Reer hebel ku jiq-sii,yaan lagu marin ee hore iyo daba diid ahaw, dadka isku dir, tuug ka shaqaysii, waayo wuxu ayidsan yahay, haduu wax maqllo in uu boobka uu hantidda ummadda ku hayo waayaayo, ee cid-na haw joojin ee taladda maroorso. Arintani xataa maaha tii lagu yaqaanay madaxdda keligood taliyayaasha ah, ee waa maskaxdda loo yaqaano " Macangegga" oo ay sii dheer tahay doqonimo iyo bukaan colaadeed oo uu u qabo beello badan oo degan maamulka uu basaday, ogaw oo dawo ma laha, laga-mana bogsado cuqadda iyo doqonimadda. Dadka noocaas ahina tallo ummadeed laguma aamino, waa ta maanta ina haysta cawaaqib-keediiye. Ugu dambayn waxay tallo joogtaa Komishanka oo ama way qaadan amarka askarigan aan lagu soo dhawaan ama kitaabkay gacanta saareen bay ka dhabayn. Iyaka-se u taalla nabad iyo dhiigga ummadda ku taliyaan.
* N.B Wallee Ina Ragaw Tallo Aduun Taadda Uun Maaha.
Qore:- Abdi-Shotaly.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!