Garyaqaan Guuleed Dafac Oo Ka Hadlay Warqada Maxmada Sare Ku Celisay Komishanka.

0
Tuesday July 11, 2023 - 09:52:12 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1900
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garyaqaan Guuleed Dafac Oo Ka Hadlay Warqada Maxmada Sare Ku Celisay Komishanka.

    ''xeerkii doorashada ururadu diyaar maaha oo waa tii roobku helay''

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

''xeerkii doorashada ururadu diyaar maaha oo waa tii roobku helay''



Hargaysa (HWN) Garyaqaan Guuleed Dafac ayaa bogaadiyay soo celinta maxkamada sare ee Somaliland ku soo celisay komishanka doorashooyinka warqadii ay hore ugu direen maxkamada.

 

Dhinaca kale Garyaqaan Guuleed ayaa sheegay inay haw adagi hortaalo Komishanka doorashooyinka, sida uu garyaqaanku ku sheegay qoraalkan hoose oo uu baahiyay.

 

‘’Maxkamaddu waxa ay soo saartay doorkan wixii maxkamadi soo saari lahayd. Weliba waxa ay ahayd inay ku darto: maalin danbe ciddii talo sharci na soo waydiisa, talaabo ayaannu ka qaadaynaa. Waa waxyeello garsoor (contempt of court). Ma shirkad qareenno ayaad na moodeen.

 

Haseyeeshee, Guddida Doorashada dhibaato looga garaabi karo ayaa haysata.

1. xeerkii doorashada ururadu diyaar maaha oo waa tii roobku helay (the box in the rain, ayaa loo bixiyay).

 

2. Xilkii madaxwaynaha waxa Guurtidu kordhisay ilaa December 2024.

 

3. Heshiis siyaasi ahi ma dhicin oo kooxaha is hayaa maba wada hadlaan (no dialogue).

 

Doorashadee ayay qabtaan? Sidee ayay u qabtaan? Waa su’aalo culays leh oo horyaal Guddida. Iyagu baarlamaan ma aha oo xeerka ururada ma samayn karaan. Guurti maaha oo kordhinta muddo xileedka waxba kama qaban karaan.

 

Maxay yeeli karaan? Guddida ha loo garaabo. Culays aanay qaadi karin yaan la saarin. Waxa la isku hayaa waa ka wayn yahay wax ay xal u heli karaan.

 

Xalku waa in dhinacyadu wada hadlaan oo dalka xal u keenaan. Muran aan dhamaanayn dalku ma qaadi karo. Waa ku  ceeb siyaasiyiinta iyo dhammaan Somaliland.’’ Ayuu qoraalkiisa ku yidhi Garyaqaanku.


Loading...
Loading...