Munaasibadii Lix Iyo Labaatanka June Iyo Khudbadihii Muga Lahaa Eebiixi Iyo Jirde.

0
Thursday June 27, 2019 - 14:01:31 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1410
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Munaasibadii Lix Iyo Labaatanka June Iyo Khudbadihii Muga Lahaa Eebiixi Iyo Jirde.

    waxay ahayd habbeen qaaliya,oo madaxtooyada jamhuuriyadda somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

waxay ahayd habbeen qaaliya,oo madaxtooyada jamhuuriyadda somaliland
lagu qabtay munaasibadii  59aad ee kasoo wareegtay maalintii ay dadka reer somaliland xoriyaddooda ka qaateen maxmayadii gummeystii weynaa ee engriiska.maalintaas oo hadda laga jooggo muddo sagaal iyo konton sannadood.


madaxweynaha ugu sareeya jamhuuriyada somaliland iyo siyaasiga weyn  ee loogu yeedho cabdiqaadir jirde ayaa halkaa ka jeediyay khudbadu mug weyn lahaa runtii.

mr jirde oo ah siyaasi ruug caddaaya ayaa halkaa ka jeediyay khutbad waxbadan taabanaya oo ku sahabsan arrimaha iyo axwaasha isagoona caddeeyey in siyaasiyiinta waxbadan wada ilaashanayaan sida danta guud meelna uga soo wada jeedaan ilaalinta iyo u  taaganaanta   muqadismada jamhuuriyadda curdinka ah ee somaliland.

madaxweynaha laftiisuna waxa uu meesha ka jeediyay khudbad iyo taariikhda dheer ee jamhuuriyadda somaliland lahayd  isagoona hoosta ka xariiqay waxbadan.

si walbay ahaatan anniguna waxaan dadka reer somaliland ugu hanbaliyaynayaa 26june iyo maalinta qaaliaga ah ee 18 may 
hamse riraash

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...