Siyaasi Xisbiga Waddani Uga Digay Beenta Heego
Hargaysa (HWN)
Guuleed Daahir Samatar oo kamid ah siyaasiyiinta saamaynta leh ee reer Burco
isla markaana ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa usoo jeediyay
taageerayaasha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani in ayna dheg jalaq usiin
borabogaandada Heego dhex wado xisbiga Waddani.
Yaan Laydinku Khaldan
Beenta iyo Bara-bagaadada ay Heego soo abaabushay:-
"Waxaan
usheegayaa dhamaan taageerayaasha xisbiga wadani gudoomiye xirsi cali xaaji
xasan waa gudoomiyaheena cabdirahmaan mahamed cabdilaahina waa musharaxeena
waana odayga xisbigeena sidaas daraadeed yaan afka laydunku ridin barnaamiyada
ay heego iyo horgalada calooshood ushaqaystayaasha lagu shaqaysto loo soo
dhiibo ee waa inaad sugtaan madaxdiina iyo talada wacan ee ay kasoo baaraan
degaan ee ay inoogu yeedhaan sheegitaan keeda una dhug yeelataan kuwa meelahaas
ka shuba waxaan danteenu ku jirin" Siyaasi samaynta wayn ku leh gobolka
Togdheer Guulees Daahir Samatar.