Xildhibaan Guurti Ah Oo Soo Bandhigay Doorka Ay Xukuumadu Ka Qaadan Karto Jabinta Qiimaha Maceeshada

0
Sunday March 10, 2019 - 15:17:05 in News by
  • Visits: 1497
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Guurti Ah Oo Soo Bandhigay Doorka Ay Xukuumadu Ka Qaadan Karto Jabinta Qiimaha Maceeshada

    Xildhibaan Guurti Ah Oo Soo Bandhigay Doorka Ay Xukuumadu Ka Qaadan Karto Jabinta Qiimaha Maceeshada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Guurti Ah Oo Soo Bandhigay Doorka Ay Xukuumadu Ka Qaadan Karto Jabinta Qiimaha Maceeshada

Hargeysa(HWN):-Xildhibaan Muuse Ibraahim Aw Nuur, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida, ayaa Xukuumadda ugu baaqay inay xil iska saarto masuuliyada ka saaran umadda, waxna ka qabato maceeshada qaaliga ah.


Xildhibaan Muuse Ibraahim Aw Nuur, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay "Qiimihii Sarifka hoos ayuu u yar dhacay, inuu hoos u dhacana waa waajib saaran Xukuumadda, waxaana waliba looga baahan yahay Xukuumadda inay hoos u sii rido, inkasta oo qiimihii sarifku hoos u dhacay, wali maceeshadii halkeedii bay taagan tahay, inay wax ku kordhaan mooye, waxba kama dhacaan, inkasta oo suuqeenu xor yahay, waxaa Ganacstada la gudboon inay dadkooda u naxariistaan, oo ay qiimaha maceeshada u jabiyaan, inkasta oo qof walba maalintiisa uu dhimanayo, una dhimanayo waxa uu ALLE ku sababayo, ayaa waxaan ALLE uga baryayaa inuu u naxariisto dadka haraadka u dhintay, inagana uu inooga daba naxariisto, ee Xukuumaddu waajibka iyo xilka ka saaran umadda ha ka soo baxdo, oo si daacadnimo leh ha wax ha ugu qabatoā€¯.

 


Loading...
Loading...