Wasiir Raysal Wasaaraha Somaliya Xilka Ka Qaaday Oo Hadlay.
Raysal Wasaaraha dowladda Federaalka ee
Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa xilka ka qaaday Wasiirkii Maaliyadda waxa
uuna booskiisa u magacaabay Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige.
Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo ah Wasiirka
shaqada laga eryay ayaa sida tan bartiisa Facebooga ku soo qoray
''Waxa aan ka tagayaa xafiiska anigoo
bixiyay dhammaan mushaarkii shaqaalaha Dowladda intii aan xilka hayay, sidoo
kalena waxa aan casriyeeyey hannaanka furdooyinka, xoojiyay Maamulka Guud ee
Maaliyadda Dowladda, iyo maamul wanaagga.''
Wasiirka ayaa sidookale sheegay in
wasaarada uu culeys siyaasadeed saaran yahay.
''Waxa aan isku dayay in aan siyaasadda
ka ilaaliyo barnaamijka dib-u-habeynta Maaliyadda. Waxa aan rajeynayaa in
dib-u-habaynta dhaqaaluhu ay ku sii jiri karto wadadii saxda ahayd in kasta oo
culeysyo siyaasadeed oo badani uu saaran yahay Wasaaradda Maaliyadda.''
Xil kaqaadista ayaa timid kadib markii
Raysulwasaaraha Soomaaliya uu isku shaandeyn ku sameeyay gollahiisa wasiirada.