SHirkada Dahabshiil Oo 20 Milyan Ugu Deeqday Suuqa Jigjiga Ee Gubtay.

0
Sunday July 09, 2023 - 12:48:21 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1231
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SHirkada Dahabshiil Oo 20 Milyan Ugu Deeqday Suuqa Jigjiga Ee Gubtay.

    ''waxa aan tasci uga dirayaa shacabka iyo dawlada dhibaatada ka dhalatay dabka''

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

''waxa aan tasci uga dirayaa shacabka iyo dawlada dhibaatada ka dhalatay dabka''



Hargaysa (HWN) Shirkadda Dahabshiil ayaa 20 million oo Bir ugu deeqday Ganacsatadii ku waxyeeloobay musiibadda dabka ka kacay Suuqa Taywan ee magaaladda Jigjiga.

 

Shirkadda ayaa sidoo kale khidmad la’aan ka dhigtay Lacagaha tabarucaadka ah ee bulshaddu u soo dirayaan Gudidda Gurmadka Suuqa Taywan, sida uu waarbaahinta usheegay Maamulaha Guud ee shirkada Dahabshiil, Cabdirashiid Maxamed Siciid oo indhihiisa ku soo arkay inta uu leegyahay khasaaraha dabkaasi gaadhsiiyay suuqa Taywan.

 

‘’waxa aan tasci uga dirayaa shacabka iyo dawlada dhibaatada ka dhalatay dabka baabiiyay suuqa Taywaan ee magaalada Jigjiga, suuqaasi oo ahaa ganacsi dadbadan nolashoodu ku tiirsanayd’’ ayuu yidhi Cabdirashiid Maxamed Siciid.

 

Sidoo kale waxa uu bulshada Somaliyeed usoo jeediyay inay garab istaagaan walaalahooda ay soo gaadhay dhibaatadaasi.

 

SHirkada Dahabshiil ayaa ah shirkad inta badan caawisa dadka Somaliyeed ee dhibaatooyinka kala duwan soogaadhaan.



No description available.

No description available. No description available.

 No description available.

Loading...
Loading...