' Mogdisho iyo Hargaysa , Maxaanay Ku Heshiinayn ''. Ahmed Nour Guruje
Hargasa iyo Mogdisho hadiiba ay isuba iman lahaayeen , 6 shay baanay ku heshiinayn .
Lixdaas oo kala , sadex Hargaysi baratay , iyo sadex Mogdisho baratay oo aan waggii horre jirin .
1- Hargaysa oo Garaado ciidan baratay , Shaqo dawladeed baratay , Saami qaybsina baratay , ilayn 60 intiiba dan kama lahayn oo waatii Mogdisho qaadataye .maantana Hargaysi waa wada janan iyo wada agaasiime iyo wada saami raadis .
2- Iyo Mogdisho oo 3 Baratay , Qabyaalad , Qaad iyo Dagaal , waayo lixdankii mogdisho qabyaalad may aqoon , qaad may aqoon , dagaala may aqoon .maanta Mogdisho diyaarado jaaada bay cuntaa , 5 maamul goboleed oo qabaa'ila way yeelatay , dagaalkana darajada ugu saraysa ayay ka maraysaa ee qaraxyadda .
Markaa lixdaas hadii la isula yimaado , waagii horre markii 80 sanno la joogay ayaaba la isku qarxaye , imika laba cisho intaanay gaadhayn bay isku qarxi lahayd
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!