Raysal Wasaaraha Somalia oo isku shaandhayn ku sameeyey golihiisa wasiirada

0
Sunday July 09, 2023 - 08:40:15 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1306
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Raysal Wasaaraha Somalia oo isku shaandhayn ku sameeyey golihiisa wasiirada

    ''Dr. Maxamed Cilmi Ibraahin ayaa loo magcaabay inuu noqdo wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada''

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

''Dr. Maxamed Cilmi Ibraahin ayaa loo magcaabay inuu noqdo wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada''



Ra’iisul wasaaraha dawladda federaalka ah ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa isku shaandheyn ku sameeyey qaar ka mid ah golihiisa wasiirrada, isaga oo xilka ka qaaday wasiirkii maaliyadda, halka uu magcaabay xubno cusub.

Ra'iisal wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa xilkii uu ka qaaday wasiirkii maaliyadda ee Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur, wuxuu u magcaabay Biixi Iimaan Cige oo hore u ahaa wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada.

Dr. Maxamed Cilmi Ibraahin ayaa loo magcaabay inuu noqdo wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada, isaga oo ah xubin cusub oo ku soo biirtay golaha wasiirada.

Abuukar Jaylaani Sheekh ayaa loo magcaabay inuu noqdo wasiiru-dawlaha awqaafka iyo arrimaha diinta, halka Saadaad Maxamed Nuur loo magcaabay wasiiru-dawlaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka.

Afhayeenka xafiiska ra'iisal wasaaraha Farxaan Maxamed Jimcaale oo warbaahinta u akhriyey wareegtadan ayaa sheegay in masuuliyiinta la magcaabay la farayo inay xilka ula wareegaan sida ugu dhakhsaha badan.

 


Loading...
Loading...