Duco Waalid Weeyaan Iyo Dardaaran Gobanimo,Jidhkaydiin Damqanayo,Damiirkaa I Yidhi Hadal.

0
Saturday July 08, 2023 - 13:50:44 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 2079
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duco Waalid Weeyaan Iyo Dardaaran Gobanimo,Jidhkaydiin Damqanayo,Damiirkaa I Yidhi Hadal.

    ib U Soco Hore U Soco,Darandoori Taagnoow,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

ib U Soco Hore U Soco,Darandoori Taagnoow,

 



Bismilaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]

 

Tu Khaas Ahna Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.


 

 

Dib U Soco Hore U Soco,Darandoori Taagnoow,

 

Dawlad Daa Warkeedo,Dal Baan Lagu Ahanayn,



 

Doorkanay U Daranto,Dagaalkiina Socda Weli,

 

Doorashana Ka Dayrsho,Dariiqeedi Laga Baydh,


 

Dawadiina Loo Haynine,Dad Miyaa Inoo Maqan.

 

 

Demdemtiyo Durbaanada,Nabada Ka Dooroon,


 

Dano Gaara Qaar Lehoo,Dagnaantena Sugayaa,

 

Daldalool Inaga Helayo,Duhur Cado Dharaared,


 

Laascaanoodi Daf Soo Yidhi,Idinkuna U Dayseene.

 

 

Daayacaba Ka Dhacayo,Dawladiyo Garaadaduba,


 

Denbiga Way U Simanyin,Dawgalkana Darbaleho,

 

Daadshay Dhiiga Shacabko,Dugsi Weeye Nabaduye,


 

Dabka Sudhay Dadkoodii,Dumarka Iyo Caruurtii,

 

 

Diinteenu Siday Tahayna,Derskaaga Dadku Xigga’e,


 

Miyaa Laga Dulguuraa,Duntakaad Wadaagtaane,

 

Duliyo Hoosba Kuu Jecel,Darood Haygu Noqonine,


 

Dulmi Lama Xambaartee,Taariikhda Dibu Baadha.

 

 

Daamanka Iyo Carabkaa,Isduqeeya Kelidoode,


 

Dadka Qaxayna Soo Celi,Dugsiyadii Quraankiyo,

 

Dib U Fura Waxbarashada,Dani Kuuma Frayoo,


 

Waa Kaas Dumiyay Tiisiiye,Idina Wuu Idnku Daray.



 

Ismail Abdillahi Handuleh.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...