"Dowladda Somaliya Ha Caddeyso Mowqifkeeda Laascaanood" Garaad Jaamac
Garaad Jaamac Garaad
Cali, oo ka mid ah madax dhaqameedka deegaannada SSC, ayaa sheegay in dadka
deegaannadaas lagu qasbay colaadda halkaa ka jirta muddaba ee kala Somaliland.
Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay saarantahay mas’uuliyadda la xidhiidha
tallaabo ka qaadista arrimahaan. Garaad Jaamac ayaa sidoo kale sheegay in dowladda
Soomaaliya ay rabto waa sida uu hadalka u dhigaye in ay "wada raali
geliso" labada dhinac ee Laascaanood ku dagaallamaya.
"Cidda ay
mas’uuliyaddan saarantahay ee aad mooddo weli in kii dulmiga waday iyo kii la
dulminayay ay isleedahay wada raali gali waa dowladda Soomaaliya,” ayuu yiri
Garaad Jaamac Garaad Cali oo u warramayay mid ka mid ah boggaga Facebook.
Wuxuu ugu baaqay
madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, inuu
caddeeyo mowqifkiisa dhabta ah ee ku aaddan xaalka Laascaanood, maadama uu
yahay madaxweynaha dalka.
Wuxuu intaa ku daray
Garaadku in dowladda federaalka Soomaaliya, laga doonayo in iyaga iyo
Somaliland ay u sheegto cidda gardaran, isagoo muujiyay in aysan jirin wax la
dabooli karo oo arrimahaan ku gedaaman