Suugaantii Laga Tiriyay Maalintii Wadankii La Odhanjirey Somaliland protectorate Uu Kaqaatey Xornimadiisii Maxmiyadii Ingiriiska.
26 /June/1960
○ Suugaantii laga tiriyay markii Wadankii la odhan jirey Somaliland Protectorate(Somaliland) uu xornimadiisii kaqaatey gumaystihii ingiriiska ○
______________________________ ______________________________
__
Dabbaal-deggii iyo damaashaadkii xorriyada iyo ee calanka loo sameeyay aadbay u weynaayeen, waayo waxa uu ahaa calan soomaaliyeed kii ugu horeeyay ee dunida laga taago, xiligaasna cidina ma filaneyn inay Somaliland sidaa degdegga ah u hesho xoriyaddeeda, waxaa la filayay koonfur oo toban sano haysatey dawlad xukun daakhili ah inay calanka horraan helayso, weyse dhici weyday.
Maansooyinkan soo socda, waxay haddaba muujinayeen oo ka turjumayeen farxaddii iyo damaashaadkii ummadda iyo soo dhoweyntii calankiyo xorriyada:-
MAANSADII 1AAD
☆Dhacsanoo xaqeennii ninkii, haystey dhabankaaga☆
☆War dhaqaaleeya dhawrtana kajira, dheelli ka ogaada☆
☆Dhex taagnaada Maandeeq dhashaye, dhama karuurkeeda☆
☆Is-dhunkada dhibkii horena jara, dhuuga ka heshiiya☆
☆Haw dhicina cadawgiinna oo, dhab ugu soo jeeda☆
☆Waa laydin wada dhawrayaa, ee ceebi yay dhalannin☆
MAANSADII 2AAD
☆Waa mahad Allee - Maantaba dunida☆
☆Ka mid baynu nee - Madaxeenna iyo☆
☆Minjaheen bannaan, waa mahad Allee☆
☆Madaxeen banaan☆
☆Waa mahad Allee - Mugdigii ilays☆
☆Lagu meeriyoo - maantaba illeyn☆
☆Weynu muuqannaa - Waa mahad Allee☆
MAANSADII 3AAD
☆Waagaa ii beryey - maanta wacanaa - oo wanaagsanaa☆
☆Allaa wacanaa - Alla wacanaa - oo wanaagsanaa☆
MAANSADII 4AAD
☆Wa kaa xanaaqee - xiddigaha ka muuqdee☆
☆Xamdi mahad haddaan go'o - Waataan xoroobee☆
MAANSADII 5AAD
☆ Caawaan ciidda dhulkayga☆
☆Cisi kuu sudhayaa calanyohow☆
☆Adna kii cidhib leh ee☆
☆Cirka gaadha ahow - calanyohow☆
MAANSADII 6AAD
☆Waa maalintaynu - Calanka taagney☆
☆Waa maaluntaynu - Shisheeye tuurney☆
☆Aan tooga beelnee - isku tollaadoo - Is taakuleeya☆
Hadaan sii wad isnidhaahno kama gayoonayno waayo ciidaasey kabadnaayeen suugaantii laga tiriyey barigaasi.
~DHAMAAD~
Qalinkii✍ Cabdixakiim Aadam Cabdi ( Garyaqaan Xaglatoosiye)
Fadlan sii faafi muwaadin.
○ Suugaantii laga tiriyay markii Wadankii la odhan jirey Somaliland Protectorate(Somaliland) uu xornimadiisii kaqaatey gumaystihii ingiriiska ○
______________________________

AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...