Ceebay-Tacaal Berbera Beach (Batalaale).

0
Saturday July 01, 2023 - 12:54:23 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1475
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ceebay-Tacaal Berbera Beach (Batalaale).

    Waxaa Ku Yaal Bugcado Badan Oo Dalxiis

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa Ku Yaal Bugcado Badan Oo Dalxiis



Waxaa Waajiba Inta Aanaan U Gondadegin ( Article) Ka Aan Rabo Inaan Tooshka Ku Ifiyo Ee Ku Saabsan (Berbera Beach-Batalaale). Waa Inaan Ku Booriyaa Wadaniyiin Faraway Badan Ee Berbera Dalxiiska Si Maalinle Ah Ugu Soo Kicitima Magaalada Muhiimka Ah Ee Somaliland Ee Berbera Inay Bartaan Berbere Horta Waa Tuma.



 

Berbera Waa Caasimaddii Ugu Horaysay Ee British Protectorate Ee Somaliland Intaan Hargeysa Caasimadda Loo Wareejin 1941kii. Waa Dekedda Ugu Weyn Somaliland Iyo Somali Republic Dii Burburtay.


 

Waxaa Ku Yaal Bugcado Badan Oo Dalxiis Loo Yimaado Oo Ay Ka Mid Tahay Bataale Beach, Biyo Kulule, Dubaar Natural Water Supply , Berbera Port, Buuraha Sibidhka, Dooxa Biyo Guure Ee Gu Iyo Jiilaal Socda Iyo Qaar Kaloo Badan Iyo Bulshada Reer Berbera Ee Badankoodu Aan Ka Xaggaa Bixin Kulayl Kastoo Jira Oo Mudan In La Daawado Lafahooda Lana Wareysto Xaalkooda. Madaxda Qiimaha Leh Ee Dawladda Hoose.


 

Waxaa Berbera Beach U Baahanyey In Laga Helo Mobile Cafeteria, Hammaamyo Iyo Fruit Places Iyo Gaadiid Japan Oo Beachka U Khaasa.


 

Waxaa Kale Oo Jira Ceebay- Tacaal Ay Soo Kordhiyeen Dhalinyarada Badan Ee Ka Timaadda Magaalooyinka Hargeisa, Burco, Borame, Gabilay Iyo Qaybaha Kale Ee Dalka Somaliland.Waxay Yimmaddaan Iyagoon Dabaal Aqoon Oo In Badani Ku Naf Waayaan Batalaale. Batalaale Waxaan Ugu Tala Galnay Haddaan Reer Berbera Nahay In Batalaale Lagu Raaxaysto Beech Ka Batalaale.


 

Maanta Aniga Iyo Abdi Jaamac Waxaan Goobjooge Ka Ahayn Dhalinyaro Reer Borame Ah Oo Saabuuntii Dharka Intay Borame Kala Yimaadeen Badda Dhexdeeda Jidhkooda Ku Maydhaya Sidaa Sawirada Ku Aragtaan. Ka Warama Haddii Labo Kun Oo Qof Badda Saabuun Ku Maydhaan Kuna Dhexdaadiyaan Sabuunta Badda Dhexdeeda Waa Sunayn Noolayaasha Beach Ka Ceebay-Tacaal Dhaliyirada Gobolada Kasoo Dabaal Tagtaay Reer Berbera Arintaa Way Idiinka Cabanayaan Ee Joojiya.


 

 

Qoraa Bashe Buurdhegeyste.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...