Cashuur Degmo Ama Gobol Gaar Ah Madaxwayne Cigaal U Xidhay Iyo Degmo Uu Wax Ka Jaray Midina Ma Jirin !
Waxa had iyo goor soo noqnoqda ama dadka qaar
ku celceliyaan in ay
yidhaahdaan madaxwayne cigaal baa gobolo ama degmooyin dhaqaale
cashuureed oo gaar ah amaba sed bursiimo ah u sameeyay, arinkaasi waa
mid aan waxba ka jirin oo aan sal iyo raad toona lahayn.
Xeer la yidhaahdo mideynta cashuuraha ayaa ay dawladii Madaxwayne
Maxamed Ibrahim Cigaal samaysay xeerkaasi oo cashuuraha intoodii ugu
badnayd ka wareejiyey dawladaha hoose oo diiday in dadka laba cashuurood
ku dhacaan.
Cashuuraha iyo dakhliga dawladaha hoose ka helaan dawlada dhexe waa
laba cashuurood oo midi ugu hadho baanka gobolka ama degmada cashuurta
lagu qabtay, waana cashuurta dakhligeedu yahay 10% , iyo cashuur kale oo
waxa la cashuurayo ka noqota 12.5% oo qasnada dawlada dhexe ku soo
dhacda.
Cashuurta dawlada hoose ee 10% ee degmooyinku ka helaan dakhliga
dawlada dhexe ee gobolkaa ama degmadaa iyaga oo marka la qabtoba si
toosa uga qaadan kara baanka , waxa lagu kala badan yahay sifooyinkan;-
1- Dawladaha hoose iyo maamulka gobolada oo kala shaqeeya in
cashuurtu dawlada dhexe u soo wada xerooto, koontarabaanka iyo
waxyaabaha lagu lunsado cashuuraha sida foojariga kala dagaal gasha
wasaarada maaliyadda .
2- Iyo deegaanka istaratijayadeed ee degmadaasi ama gobolkaasi ku yaallo .
Cashuurta kale ee 12.5% ee raacda cashuurta dawlada dhexe ee
qasnada maaliyada ku dhacdaa waxa dib loogu kabaa degmooyinka inta badan
looma eego tanaa dhaqaale badnayd ee darajada degmada ayaa wax lagu
bixin jiray xiligii iigu dambaysay, waxaana jira degmooyin aan lahayn
ilo dhaqaale oo xaq u leh in dawladoodu kabto.
Arimahaa waxa aan arkaa iyada oo la siyaasadaynayo ee bal ka waran
hadii la yidhaahdo degmo kastaa waxa ay dhaqaale soo saarto wax u qalma
ayaa lagu celinayaa , waxa dhici karta in  degmooyinka cabanaya ay kaga
sii xumaataa ba , haddaba dhaqaale waa ay sameyn kartaa degmo waliba
hadii ay nidaam wanaagsan oo ay ku urursato cashuuraha dawlada hoose iyo
waxii ay ka hesho dawlada dhexe qorshe u samaysato.
Muhamed Dhimbiil
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...