Somaliland Oo Sii Handaraabantay ( abdi-Shotaly).
Somalidu waxay ugu heestay ninka la yidhaaho "Geel-Jiraha" iyaka oo maskax-diisa tilmaamaaya, nooca ay tahay, lana caqli yahay neefka uu daba socdo, baa waxay tidhi "Geel-jire muxuu garanayaa, guburo dheeraaye gaadhiga wuxuu moodayaa, geed la korayaaye", waxay u qarinayaan aduun-kaba wuxu haystaa hashaa uu maalaayo, wax-kaloo-wax laga waydiinayaa ma jiraan, mana garanaayo ee waa dhoobigaa iska ah "Rabbi-khalaq-wa-dalaq", aan ku soo dhawaado halka aan u socdo'e, Askariga meesha rafanayaa, ilayn maskax iyo garasho mid-na uma laha maamul iyo qaab dawladnimo loo dhiso'e, waa laguma dhaamee dhaqaaq, sidda uu Tima-cade (Ihun) ku sheegay sare, ee ah geed-kaas lala kala yaacay, bay somaliland-na ay faraha u kala raacday, waxana ay tahay, oo sidaas ugu wacan, maah-maah-dii ahayd hasha kud-na waa dilay, waana loo weheli-yaaye, Siyaasad xumaanta Askariga iyo weliba badheedhka kas iyo maan uu u samaynaayo awgeed, ma isaga baa siyaasad garanaaya oo hagi kara maamul xukuumadeed, markhaati-giina waa kan:-
(a) Goboladdii ugu waa weynaa oo meesha ka baxay, oo intii uu kulmiye yimi Xukunka kala dareeray jaanta rogay. kuna biiray kuwii aan si eednay, waayo waxay yidhaaheen, halkay marayso imika tii aan ka nimi baa inoo dhaanta.
(b) Hawadeenii oo ay la wareegtay waxay ugu yeedhaan Somaliya, Waxa ka sii daran taas, oo ah xasan jigin bikh, oo ugu dambeeyey imikana taagan
(c) Dawaladda Sucuudiga oo tidhi, nooma soo diri kartaan xoolo dambe, haddii aydaan warqad fasaxa ka sidan, Dameerka Xamar ka danaaniya Xamar, ee Mareexaan iyo ka yar ee buuryo-qabka ah ee murursade.
Waxan ku soo af-jaray maqaalkan. Belo-ba belo bay dhaan-taaye, akhristaw tani waa geeri, wax inoo hadhay ama aan sugnaa baan jirin-ba wakhtigan, waa noloshii ugu damabysay Ummadan silicsan ee reer somaliland, askari-ganina wuu ugu tallo galay in ay dhamaadaan, waayo dalku ma laha khayraad kale, ee xoolaha nool baa lagu fadhiyey ( Siiba shicibka caadiga ahi), oo neef-koodda bay iibsan jireen. xaajadan iyadda ahi ee lagu joojiyey, waa mid loogu tallo galay, in Goboladda Bari ee Xoola-dhaqatadda ahlagu wax-yeeleeyo, kuwaas oo awel-ba cabanaayey, laguna sii wiiqo, oo lagu curyaamiyo, lagu dabar gooyo duunyadda ay haystaan, si ay u soo hadhaan oo keliya Goboladda Galbeed, ee beera-leydda ahi, intaas oo aan ka hayn boqol mayl Somaliland, Waxa si wacan u arkaysaan, wadooyinka iyo horu-marinta galbeed laga wado, iyo macaluusha iyo baaba'a bari ku habsday ee ula kaska ah. cid wax ka qabaynay-saana aanay jirin, ee weliba la isku sii diraayo cadceed soo baxda-ba, si ay meesha u sii joogaan duulkan oomani.
*N.B Geel-jire Muxuu Garanayaa< Guburo Dheeraaye!
Qore:- Abdi-Shotaly.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!