Laascaanood Oo Maalintii Labaad Uu Dagaal Ka Socdo.

0
Sunday June 25, 2023 - 12:03:32 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2068
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Laascaanood Oo Maalintii Labaad Uu Dagaal Ka Socdo.

    "Magaalada ayaa koranto la'aan ah iyadoo ay waxyeelo soo gaarsiiyeen madaafiicda"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Magaalada ayaa koranto la'aan ah iyadoo ay waxyeelo soo gaarsiiyeen madaafiicda"


 

 


 

Hargaysa (HWN) Maalintii labaad ayaa dagaal ka socdaa magaalada Laascaanood.

 

Dagaalka ayaa maanta ka duwan kii shalay iyadoo madaafiicda kala duwan laysu adeegsanayo, dhinaca waqooyigana u badan yahay.

 

Magaalada ayaa koranto la'aan ah iyadoo ay waxyeelo soo gaarsiiyeen madaafiicda waayirada dabka magaalada soo gaarsiiya. Majiro ilaa hada khasaare dagaalkan ka dhashay oo la ogyahay.

 

Magaalada Laascanood ayaa bilhii ugu dambeeyay deganayd marka laga reebo shalay iyo maanta dagaalada dhacay.

 

Labada dhinac ee dagaalku udhaxeeyo ayay qolaba qolada kala ku eedaynaysaa inay iyadu xabada bilawday.

 

Wixii warar ah ee ka soo kordha dagaalka kala soco warar kayaga dambe.


Loading...
Loading...