Wax La Waayey Geelow.Ruux Waalanbaw Duda,Warka Xamar Ka Dhiganaa,.

0
Sunday June 25, 2023 - 10:27:35 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1453
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wax La Waayey Geelow.Ruux Waalanbaw Duda,Warka Xamar Ka Dhiganaa,.

    Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim [A.S.C.W.R.W.B]

 




Tu Khaas Ahana Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.

 

1-Warkayga Qaado Xamarey,Adiga Oon Iswedaynin,


Walaalo Waan Ahayn Beri,Wadhi Bayga Raacdaye,

Waayo Hore Wax Jirjiray,Waalalowgan Dhaafoo,



 

Webi Sacab Laguma Dhuro,Weel Kuuma Buuxshan,

Wax La Waayey Geeloow,Ruux Waalanbaw Duda,


 

2-Waxay Heesi Waa Tidhi,Allahayow Wacnaydee,

 

Shanta Oo Isweheshaday,Wadamo Ceel Ku Goay,


Ciyi Waaberyo Kale,Warka Xamar Ka Soo Qaada,

Wiiqan Wada Jirkeenii,Waayahaana Ku Habsaday,


Wax La Waayey Geeloow,Ruuxii Waalanbaw Duda.

3-Waano Qaadan Weydo,Wakhtina Wayska Lumiseen,


Wadaan Ceel Ku Ridato,Waraabin Weyde Xoolana,

Wadhidiina Raacday,Waagaad Nala Wareegteenba,


Waxaa Naga Sii Daran,Wiirsigiinan Maantana,

Wax La Waayey Geeloow,Ruuxii Waalanbaw Duda,


4-Wadhafka Iyo Shimbiruhuba,War Isuma Hayaano,

Midba Waa Ku Soo Toos,Warba Noogukin Dhiman,


Waydinse Waalifteeno,Waantoobi Maysaane,

Waayo Haddii La Sii Jiro,Wakhtiga Iskeen Bari,


 

Wax La Waayey Geeloow,Ruuxii Waalanbaw Duda,


 

ISMAIL ABDILLAHI HANDULEH.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...