Reer Somaliland: Walaal Siday Noogu Liseen Aan Loogu Hambeynin … Siyaasi Cabdikariim Xuseen

0
Wednesday June 26, 2019 - 18:15:17 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 4020
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Reer Somaliland: Walaal Siday Noogu Liseen Aan Loogu Hambeynin … Siyaasi Cabdikariim Xuseen

    Siyaasi Cabdikariim Xuseen Guleed Oo Hadlay 26 Jun Tageerayna Soomaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasi Cabdikariim Xuseen Guleed Oo Hadlay 26 Jun Tageerayna Soomaliland

Hargaysa(HWN):-Siyaasi Cabdikariim Xuseen Guleed oo xilal wasiirnimo oo  kale duwan kasoo qabtay  Dawladii Xasan Sheekh Maxamuud  kuwaasi oo ay ka mid ahayeen Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Wasiirka Amniga.



Sidoo kalana Siyaasi Cabdikariim ayaa hogaaminayay wadahadaladii Soomaliya iyo Soomaliland ee lagu qabtay Jabuuti Iyo Turkiga .

 

Siyaasi Cabdikariim oo mar ahaa  Madaxwaynihii Hore ee Maamulka Galmadug islamarkaana hada ku sugan wadanka Ingiriiska ayaa bartiisa Facebooka ku qoray qoraal ka hadlaya 26Juun, waxana uu Taageero umuujiyay dalka Soomaliland.


Siyaasiga ayaa ciwaan uga dhigay  Qoraalka Bartiisa Facbooka uu Kula Wadaagay Bulshada Sidan” REER SOMALILAND: WALAAL SIDAY NOOGU LISEEN AAN LOOGU HANBEYNIN.


Waxaa marag ma doonto ah doorkii taariikhiga ahaa ee ay walaalaha reer Somaliland ku lahaayeen yagleediddii Jamhuuriyadda Soomaaliyeed ee 1dii July 1960kii ka curatay gayiga Soomaaliya, ayagoo goortii ay xoriyaddii iyo calankii ka qaateen dowladda Ingiriiska 26kii Jun 1960kii go,aansaday inay shuruud la’aan la midoobaan dhinacii koofureed ee Soomaaliya ee 5 cisho ka dib xoriyadda ka qaadanayey dalka Talyaaniga.


Haddaba niyad wanaaggaas ay ku dheehnayd walaaltinimada iyo midnimo jaceylka ee ay muujiyeen walaalaha waqooyi waxaad muuqtay inuusan muddo dheer daa’imin, ka dib kolkii ay dareemeen inaan lagu qaabilin niyad wanaag la mid ah, ayagoo u arkay inaan saami mug leh oo u qalma maqaamkooda laga siin awood qeybsigii xukunka dalka iyo dowlad dhisiddii intaba. Waxaa intaas dheer inay kala kulmeen xukunkii milatari ee dalka ka talinayey mudadii 21ka sano aheyd tacadiyo iyo dhibaatooyin baaxad leh oo ka balaaran kana baaxad weyn dhibaatooyinka dalka intiisa kale uu kala kulmay xukunkaas milatari.


Haddaba walaalaha reer Somaliland oo ah kuwo SIDII AY NOOGU LISEEN AAN LOOGU HANBEYN, xanuunka iyo laxawga ay dareemayaan waxay mudan tahay in garowsho dhankeena ka helaan, lalana galo wadahadalo dhab ah oo ku beeri karta kalsooni iyo walaaltinimo.” Ayuu Yidhi Siyaasi Cabdikariim.

 

Waa Masuulkii kowaad ee xilal kale duwan kasoo qabtay dawlada Soomaliya uu si Rasmi ah u taageero Soomaliland Kuna dheeraday Tariikhdii 26 Jun ee 1960.

 

 Hadhwanaagnews

Burco.

Loading...
Loading...