Intaan sheegtay Soomaali Allahayow iiga danbi Dhaaf. Qaybtii 10,aad.

0
Saturday June 24, 2023 - 20:01:25 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1564
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Intaan sheegtay Soomaali Allahayow iiga danbi Dhaaf. Qaybtii 10,aad.

    Kulankii Wasaarada Ganacsiga iyo Dalxiiska

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulankii Wasaarada Ganacsiga iyo Dalxiiska



Sida badweyn cartamaysa oo Moojaduhu Butaaceen Ana Qalin qoraal la Burqadaye, Halkee Qoraal Hirdiyeynay?, waxaynu sidii Moojad isrogrogaynay………………waxa aan u jeestay Dhanka xukuumada Jamhuuriyada barakaysan si aan masuuliyiin xillal u igman aan Rayi la wadaago, waxa aan ka………….. Bilaabay Wasaaradda ay asaartu hoostagaan oo ah Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska, waxa aan aad uga xumahay ima suurto gelin in aan la kulmo Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Barakaysan Mudane Maxamuud Xasan Sacad 'Saajin', se Hadii Dayax la-waayo Xiddigaha lagu guuraa, sidaa aawadeed waxa aan beegsaday Wasiir ku Xigeenka Wasaada Ganacsiga iyo Dalxiiska Mudane Muuse Ibraahin Yuusuf (Selef).



 

Maalintii ugu horaysay ee xafiiska Wasiir ku Xigeenka aan imid waxa ay ahayd goor Barqo ah goor-sheegtuna ay dul joogtay 10:35 gelinkii hore ee maalinnimo, waxa aan abaaray xafiiska Wasiir ku Xigeenka waxa aan ugu tagay xafiiska oo ay ku sugan yihiin dhowr qof se Wasiir ku Xigeenku aanu ka dhex muuqan, waxa aan weydiiyey dadkii goobta ku dhex sugnaa mid ka mid ah, waxa uu ii sheegay in aanu meel dheer jirin, dhanka irida ama affaafka Intaan u dhaqaaqay ayuuba Dhanka debedba isagoo ka yimi mudh kasoo yidhi Hortayda, wax aqoon ah iskuma lihin se suuradiisa iyo sida uu u eegyahay Dadka waan kasooci karaa, waayo Aasaarta ayaan mudo dheerdarsaayey sidaa aawadeed wakaalada ay hoostagaan madaxdooda iyana waan muuq bartay, Markii wajiga qac eegmo iskusiinay Iska-soo hor baxayagii Intaan Mudane iyo Bariidin ku dhawaaqay ayaan Jeeniga bariido u Fidiyey gacan qaadle, si San ayuu ii gacan qaaday, Saan u sheegay qofkaan ahay iyo waxa aan u socday, si hagar la'aan ah ayuu igu yidhi soo dhawow soona soco, Runtii dadyow kale ayaa gudaha xafiiskiisa ku gudo sugnaa sidaa awgeed waxa aan ka dalbaday in aan gaar kula kulmo ayaan rabaaye markale makuu iman karaa, Haa buu yidhi goorta aad doonto diyaar baan kuugu ahay Halkan.


 

Waxa aan kusoo noqday Xafiiskii Wasiir ku Xigeenka maalin kale, nasiib daro maalinta kale waxa uu ku jiray shir ka socday xafiiskiisa, waxa aan go'aansaday in maalin goor hore kusoo jarmaado ama kalaho, sidaa aawadeed maalin ay maalmo kasoo wareegeen ayaan goor allasay hore ah kusoo jarmaaday ama kalahay Wasiir ku Xigeenka Xafiiskiisii, Goortii aan imid Xafiiskiisii waxa laygu war geliyey in goor hore tahay oo aanu weli iman, waxa laydhigay kursi irida ama affaafka hore ee barandaha debada ee laga galo xafiiska Wasiir ku Xigeenka kaas oo si quman u eegaya irida birta ah ama ganjeelada ah ee dabada lagasoo galo, goortaan cabaar ama in mudo ah ku nagi ahaa ama ku sugnaa xafiiska hortiisa ayaa albaabka hore ee debeda ee Gaadiidku kasoo galo oo badh furanyahay, ayey ilaaladii iridu u dhaqaaqeen goob iga xigtay bidixda waxayna ku libdheen meel deerka iyo dhismaha xafiiska u dhaxaysa, wax yar marka ay maqnaayeen ayuu Gaadhi "laan-karuusal" ahi soo istaagay affaafka, se albaabka oo Afar meellooddow saddex xidhan tahay awgeed gaadhigii wuu soo gudbi kari waayey ama soo geli kariwaayey, sidaa awgeed gaadhigii Carooga Gaadhiga ayuu kaga dhawaajiyey dhowr jeer se nasiib daro Cid ka falcelisa dhawaaqa Carooga Gaadhiga ka yeedhaaya goobta kama dhawayn, waxa aan u qaatay in aan gaadhigan lafilanahayn waayo Goortii laygu war geliyey in madaxda wasaaradu xafiiska kasoo xaadiraan iyo goorta ay shaqada bilaabaan weli mudo ayaa ka hadhsan, sidaa awadeed gaadhi lafilaayey goortan inaanu ahayn ayaan u qaatay.


 

Markuu gaadhigii mudo taagnaa ayaa wadihii gaadhigu intuu soodegay ayuu iridii wada furay suu gaadhigii soo geliyey barxada gaadiidka ee daarada wasaarada, gaadhigii oo cidi ka soo degin ayaa inta lakala jeediyey baxay!.


 

Weli halkii aniga oo fadhiya ayaa gaadhigii mudo dabadeed soo noqday, markan illaaladii irida ayaa joogay wajahada gudaha daarada ee albaabka u dhawayd oo markiiba waa laga furay, gaadhigii markii uu yimid barxada daarada xafiiska, waxa kasoo degey Wasiir ku Xigeenkii Mudane Selef, aniguna weli waxa aan fadhiyaa affaafka laga gelo xafiiska kursi dacal yaala, Wasiir ku Xigeenka ayaa soo abaaray bartii aan fadhiyey oo ahayd iridii uu ka galaayey xafiiskiisa, Markuu igu ag beegnaa ayaan salaan gacan kor u taag ah ku salaamay, si lamid ah ayuu iiga qaaday, hase yeeshee wajiga Wasiir ku Xigeenku sibuu u duubduubna sidii ruux xanaaqsan waxa se aan u qaatay in uu weli ka xanaaqsan yahay iridii illaalada iridu ka Yara maqnayd, sikastaba ha ahaatee markii uu iweydaartay ee uu galay xafiiskiisa ayaan ka daba kacay oo albaabka xafiiskiisa oo furan inta aan si degan faragorgor ugu garaacay ayaan ka dalbaday in aan soo dhaafi karo, dalabkii wuu iga yeelay Saan agtagay meel u dhow Halkuu fadhiyey oo ahayd miis dheer oo Dhanka uu Fadhiyey Wasiir Selef kursi kaliyi ka yaalo inta dheerna kuraasi iska soo hor jeedaa yaalaan, waxa aan ka dalbaday in aan Fadhiisan karo, Haa buu yidhi, waxa aan fadhiistay meel ilaa laba ilaa Saddex kursi noo dhexeeyaan isaga oo iga jira Dhanka bidix, markaa aan fadhiisanaayey tilifoon ayuu dhegta ku hayey Ana waan sugay inta uu dhigaayey, se waxa soogalay xafiiska wiil dhalinyaro ah oo sita muraayadaha Araga wuxuu soo fadhiistay meel igu beegan oo horjeedkayga ah waan bariidiyey salaan gacantaag ah se igamuu bariido celin si lamid ah.


 

Markuu Mudane Selef tilifoonkii dhigay ayaan u bilaabay war bixin ku saabsan asaarta iyo in qoraalo Afka Hooyo ku qoran oo Taariikh facwayn ah, oo la xusuus qoray in kor u dhaafaysa 10,000 hada Toban KUN oo sanadood mudo kor u dhaafaysa la xusuus qor bilaabay ay goobo badan ku xardhan yihiin, waxa se yaab iyo mucjiso igu noqotay intii aan Wasiir ku xigeen Mudane Selef aan warbixinta siinaay iyo intii aanu hadalka isweydaarsanaynay wiilka dhalinyarada ahe ee Mudane Selef isoo hor Fadhiisiyey aniga ayuun buu eegmo igu il-go'ay iskadaa inuu Dhanka Wasiir Selef eego Mar keliya muu qooraansan, Hal erayna dibnihiisa kamay soo bixin se aniga ayuu si aan ilbidhiqsi lahayn fiiro cayiman igu hayey, waxa aan weli isweydiiyaa ninkaa dhalinyarada ahi wax eegmo dhaafsiisan in uu Wasaaradda u hayo?.


 

Kulankii aan la yeeshay Wasiir ku Xigeenka Mudane Selef markii aan u sheegay waxa Taariikh Dalka gowdiida ee inoo Dhitaysan ee ah in dadkeena iyo aduunkaba lala wadaago ay tahay waxa uu Mudane Selef igu yidhi Erayo u dhignaa, Taariikhda iyo waxa aad sheegayso wakaalad ahaan waanu u baahanahay se kharash aanu kugu Shaqaalaysiino ama kugu Hawl gelino ma awoodno ee Bal isna ninkan wada hadla!,


 

Waxa aan u qaatay Mudane Selef inuu Dhanka Ganacsiga iyo dhaqaalaha u janjeedho oo muga miisaanka iyo qiimiga Aasaartu ka raad-ridsanayn, waa yahay baan ku idhi Mudane Selef ee Maalin Wanaagsan Mudane dabada ayaan kusugi masuulkee, saan kasoo baxay xafiiskiisii iyada oo weli sidii ninkii dhalinyarada ahaa uu baraad-la'aan dhugasho eeg uu weli iigu maqanyahay oo uu eegmo aan libiqsi lahayn igu il-go'sanyahay!.


 

Bartii Kursigu yaalay ee affaafka xafiiska ayaan Dib u fadhiistay, wax yar markii aan fadhiyey ayaa irida debada waxa kasoo galay gaadhi "Surf" ah oo si Kagan loosoo geliyey barxada daarada, waxa Mar keliya kasoo daatay koox dhalinyaro ah oo wiilal iyo Gabdho iskugu jira, iyaga oo kadaf-kadaf soconarya ayey u huleeleen Dhanka dhismaha Xafiiska Wasiirka oo ah dhisme Dhanka bariga kaga qabsan dhismaha xafiiska Wasiir ku Xigeenka, waxa u dhaxeeya dayr waxa se ku yaala irrid ama albaab layskaga gudbo labada dhisme ee is barbar qotoma, wax yar dabadeed waxa irridii si Kaggan oo guclays ah ugasoo noqday wiil kamid ah Dhalintii Gaadhiga kasoo daadatay oo weliba inuu wadihii ahaa aan fillaayo, imuu bariidin se si guclo roor leh ayuu igu dhaafay, wax yar dabadeed isaga oo degdeg socod ah ayuu goobta aan fadhiyey isoo dul istaagay, si degdeg ah oo Neef-tuur ku ladhan yahay ayuu qofka uu yahay intuu ii sheegay ayuu gacanta salaan iigusoo fidiyey, waan salaan gacan qaaday se Runtii magaciisii iyo xilka uu u igmanyahay maan qaban, waayo odhaahdiisa neeftuur iyo degdeg Hadal baa hadheeyey, se inuu yahay agaasimaha Qaybta Dalxiiska ayaan filayaa, Xafiis ayuu ii kaxeeyey aanu wada fadhiisanay, Qofka aan ahay markii aan u sheegay ayaan Su'aal weydiiyey ahayd masuul wakhti intee leeg ayaad haysataa? Wuxuu igu yidhi inta wakhti ee aad u baahantahay inuu kulankeena socdo ayaan haystaa ama wada haysanaa aan idhaahdo ayuu ii raaciyey, waa soo dhawayn San iyo wada kulan dhiirigelin leh oo I xasiliyey.


 

Waxa aan bilaabay waydiimo, waxa aan ku idhi Mudane goobaha sawirada aasaartu ku xardhantahay ee Dalka Waxaan filayaa in ay idiin diwaan gashanyihiin?, Haa buu yidhi badankoodu inta aan lasoo baxay laba tilifoon gacmeed oo aan sitay mid ka mid ah, ayaan inta sawiro kuyaala goobo taariikhi ah oo Jamhuuriyada Barakaysan kuyaala oo iigu jira kolba mid Intaan rogay markaan sawiro tiro badan Intaan dhaafay ayaan ku idhi sawirkani Mudane goobtee ayuu ku yaalaa? Runtii wuu iisheegag goobta uu kuyaalo, waxa aan weydiiyey goorta ay latahay in lasawiray?, wuxuu yidhi mudo 10 kun oo sano laga joogo ayaa lagu qiyaasaa hadii aanay ka badnaynba, waxa aan waydiin u raaciyey Maxay ayey idinla tahay sawirkani inuu ka dhigan yahay ama sheegaayo? Wuxuu yidhi waa Ummaddihii hore ee haystay diimaha kale oo muujinaaya qaabkii ay wax u caabudi jireen, waxa aan ku celiyey weydiin oo aan ku idhi ma sida ay kula tahaybaa?, wuxuu yidhi maya e waa sida ay tahay ee laysku raacsan yahay!,


 

Waxa aan ku idhi Mudane hadii aan ku idhaahdo waa ciyaar Dhaqameed Duug ah oo laciyaarayo ka waran?, Hadal ayaa hore ugasoo bixi waayey, Saan u raaciyey Ciyaartan weli xiliyadan aynu jirno ee aynu joogno in la ciyaaro ma filaysaa?, Qosol uu guux reen ku ladhanyey ayaa kasoo baxay se wax eray ah muu raaci! Saan idhi Mudane Ciyaartan oo la ciyaarayo hadii aan ku daawadsiiyo kawaran?, jawaab celintii wuu hakiyey Saan inta aan jeebka gacanta geliyey baan lasoo baxay tilifoonkii kale ee aan sitay, Saan inta aan barbar dhigay tilifoonkaygii kale ee miiska saarnaa ee sawirka aan ka tusaayey ayaan…. ……. ……………. Lasoco Taxanaha.


 

Dad waa dadkii hore


 

Taariikhna waa intay ka Qoraal tageen!.


 

Fuad Fartaag 24-06-2023

 

[email protected]

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...