Faysal Cali Waraabe Oo Masuul Ka Socda Finland Kala Hadlay Doorashada & Dagaalka Laascanood.
Hargaysa (HWN) Gudoomiyaha
xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa maanta magaalada Hargayaa kulan kula
qaatay Ergayga gaarka ah ee dawladda Finland u qaabilsan arrimaha nabadaynta
& dhexdhexaadinta ee geeska Africa Suldaan Siciid Axmed.
Waxaana kulankan lagaga
wada hadlay, xaaladda guud ee dalka, arrinta ka taagan Laascaanood, arrimaha
Doorashooyinka iyo qodobbo kale.
Waxaana uu Gudoomiyuhuu
u sheegay Ergayga, in Doorashada sharciga ah ee dalkan laga qaban-kara tahay
Doorashada Madaxtooyada.
Sidoo kale,
Gudoomiyuhuu wuxuu warbixin ka siiyay xaaladda guud ee Dalka.
Waxaa Gudoomiyaha
kulankan ku wehelinayay, qaar kamid masuuliyiinta xisbiga UCID, iyo Xildhibaan
Maxamed Jaamac Koodbuur"shiine" oo kamid golaha wakiilada Somaliland.