Waa Kuma Wiilka Colaadda Lagala Soo Qaxay Ee Ku Dhintay Dagaalkii Garowe?
Sakariye Sube Ibraahim,
14 sano jir ka yimid DDS ayaa kamid ahaa dadkii dhawaan ku geeriyooday
dagaalkii ka dhacay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, kaas oo u
dhaxeeyay ciidamo iska soo hor jeeda.
Wiilkan oo hayay
shaqada dhaqidda gawaarida, oo ayna ku tiirsanaayeen qoyskiisa oo idil ayay
xabaddu haleeshay wadnaha, xili uu joogay gobtiisa shaqo, sida ay inoo sheegtay
hooyadii, Maryan Maxamed Xassan.
Qoyska Sakariye Sube
Ibraahim ayaa ku nool mid kamid ah kaamamka barakacayaasha ee ku yaalla
magaalada Garoowe, waxayna muddo siddeed sanado kahor ah ka soo qaxeen degmada
Qalaafe ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya kaddib dagaallo halkaa ka
dhacay.
"Wiilal ay saaxibbo
ahaayeen ayay is raaceen, xabaddii markay dhacday meel bay ku xaroodeen, waan
wacay oo wuxuu igu yiri hooyo qol baan galnay, wiilasha waxay ii sheegeen inuu
isagu diiday inuu markii dambe qolka ka soo baxo kaddibna qadarta ayaa ku
timid’ ayay tiri hooyada dhashay wiika.”
"Muddo 5 sano ah ayuu
hayay shaqadaas gawaaridu la dhaqayo ah, isagoo 11 sano jir ah ayuuna bilaabay
wiil iyo gabar buu ii ahaa wiilkayga.” ayay intaasi raacisay.
Hooyo Maryan oo
hadalkeeda sii wadata ayaa sheegtay in maalinkaas dagaalku socday ay u diidday
in wiilkeedu baxo balse uu ku yiri ‘dhibaatadan idinkuma fiirsan karo sidaasna
uu ku baxay.
Aabaha dhalay wiilka oo
60 sano jir ah ayaa ah qof xanuunsan oo sariir saaran, carruurta kalena waa
kuwa yar yar sida ay inoo sheegtay hooyada dhashay wiilka geeriyooday.
Waxay sheegtay in
dowladda Puntland aysan arrintan kala hadlin oo ay ku mashquulsanyd aaska
wiilkeeda.
Waxaan maqlayay in la
diiwaan gelinayo dadka ku dhintay weerarka balse anaga ma aanan aadi karin oo
wiilka aabihii wuu xanuunsan yahay anigana aaska ayaa mashquul ku noqday.
Aniga 1000 shiling
Soomaali ma haysan marka uu dhintay wiilkeyga oo xitaa ma aasan karin laakiin
Muslimka I garab istaagay oo bixiyay kharashaadka aaska.
Hadda waxay Muslimiinta
iyo saaxibbadiis isoo diraan baan biyaha iyo caanaha ilamaha ku gadanaynay.
Maryan Maxamed Xassan
ayaa sheegtay inay qaddarta Alle ku qanacsan tahay ayna mareen wixii Alle u
qoray
Dagaal socday muddo
saacdo ah oo 20 kii bishaan ka dhacay magaalada Garowe ayaa waxaa ku dhintay ku
dhawaad soddon ruux sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka. tiro ka badan 10
ruux ayaa ahaa dad shacab ah oo kamid yahay Sakariye.
BBC