Ninka Leh Twitter-Ka Iyo Midka Leh Facebook-Ga Oo Dagaal Isku Balansaday
Musk ayaa markaas ugu jawaabay qoraalka Mr Zuckerberg in uu joogo "Vegas Octagon."
Laba ka mid ah
bilyaneerrada ugu caansan dhanka tignoolajiyada adduunka, Elon Musk iyo Mark
Zuckerberg ayaa ku heshiiyey in uu dagaal ku dhexmaro goob qafilan oo ciyaarta
dagaalka ay ka dhacdo.
Mudane Musk ayaa fariin
uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu ku sheegay in uu "diyaar u yahay
dagaal kadhaco goobta qafilan" isaga iyo Mr Zuckerberg.
Mr Zuckerberg, oo ah
madaxa shirkadda leh Facebook iyo Instagram ee Meta, ayaa dabadeed soo dhigay
sawir uu Mr Musk soo dhigay bartiisa twitter-ka wuxuuna ku soo dul qoray
"isoodir goobta aad joogto".
Musk ayaa markaas ugu
jawaabay qoraalka Mr Zuckerberg in uu joogo "Vegas Octagon."
BBC
Loading...
Loading...