"Muusaw Dooashada Qabo Oo Nasiibkaaga Qaad"

0
Friday June 23, 2023 - 08:54:35 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 761
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Muusaw Dooashada Qabo Oo Nasiibkaaga Qaad"

    "Haddii uu kaa aargosadana, ku calool adayg. Afeef hore lahow ama adkaysi danbe."

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Haddii uu kaa aargosadana, ku calool adayg. Afeef hore lahow ama adkaysi danbe."



Hargaysa (HWN) Garyaqaan Guuleed Dafac ayaa usoo jeediyay Muuse Biixi in uu doorashada uu qabto, maadaama kaadh qaybintiina ay dhamaatay dalkuna roob ka da’ay, sida uu garyaqaanku ku sheegay qoraalkan hoose.



"Doorashadii waa goorma? Kaadhadhkii cod bicinta waa la qaatay. Roobkii waa da'ay. Abaari ma jirto. Duufaanno ma dhicin. Dhulgariir Eebe ha inaga hayo. Sanduuqyada soo dhiga dhulka. Cid waliba calafkeeda ha ka qaado. Shacabku cidda uu doorto, ha la arko. Cidna yay calafkeeda salluugin. Nasiibkaaga qaado. Wajah dadwaynaha. Haddii uu kaa aargosadana, ku calool adayg. Afeef hore lahow ama adkaysi danbe.” Ayuu qoraalkiisa ku yidhi garyaqaanku.


Komishanka doorashooyinka ayaa soo xidhay kaadh qaybintii oo todobaad yadii ugu dambeeyay ka socoday gobolada Somaliland.

 

Welina lama garanayo doorashada ugu horaysa ee lagu gelayo kaadhka ay gudida doorashooyinku uqaybiyeen Shacabka Somaliland.


Loading...
Loading...