CIRRO Oo Ka Hadlay Shir Lagu Xalinayay Dagaal Dhex Maray Beelo Wada Dega Burco.

0
Wednesday June 21, 2023 - 17:01:58 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 950
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    CIRRO Oo Ka Hadlay Shir Lagu Xalinayay Dagaal Dhex Maray Beelo Wada Dega Burco.

    "Dhammaantiin waxa aad muujiseen dedaal wax ku ool ah iyo karti dheeri ah"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Dhammaantiin waxa aad muujiseen dedaal wax ku ool ah iyo karti dheeri ah"



Hargaysa (HWN) Musharaxa madaxwayne ee XIsbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (CIRRO) ayaa bogaadiyay munaasibad Burco ka dhacday oo lagu heshiisiinayay labada Beelood ee Ciise Muuse iyo Habaryoonis oo dagaal ku dhex maray duleedka Burco.

 

Munaasibadaasi ayay kawada qayb galeen qaybaha kala duwan ee Bulshada Somaliland oo ay ku jirto xukuumadu, Musharax Cirro ayaana qoraalkan hoose oo uu baahiyay amaan ujeediyay dadkii ka qayb qaatay heshiisiinta labadaa beelood ee walaalaha ah.

 

"Waxa aan dhambaal hambalyo & bogaadin ah u dirayaa munaasibadda shaacinta Heshiiska shalay lagu gaadhay magaalada Burco dhammaan ergooyinka, madax dhaqameedka, waayeelka, waxgaradka, culimada, Xildhibaanada labada aqal ee Guurtida & Wakiilada, Maamulka Gobolka & Degmada, Xukuumadda dhexe, Hoggaanka Xisbiga WADDANI oo idilkood u wada joogay sidii nabad waarta iyo xal dhaqan-gala looga gaadhi lahaa xurfugtii dhawaan ku dhex martay beelaha walaalaha ee wada dega Deegaanada Hawdka ee Gobolka Togdheer.

 

Dhammaantiin waxa aad muujiseen dedaal wax ku ool ah iyo karti dheeri ah sidii nabaddaa loo xidhi lahaa, isla markaana beelaha walaalaha ah ee deegaanadaa ku nool ee shaqaaqada koobani dhex martay boggooda burcad la isugu marin lahaa, Ilaahayna waxa aan ka baryeynaa in uu inoo aqbalo ducada iyo is-aaminka goobtaa ka dhacay. Aamiin.” Ayuu yidhi Musharax Cirro.

 

Labada beelood ayaa dagaalka dhex maray uu ka dhashay khilaaf dhuleed, waxaana dagaalkaasi sababay dhimasho iyo dhaawac.


Loading...
Loading...