'' Midnimo soomaaliyeed , Mucjiso mar la arag ah ''. Ahmed Nour Guruje

0
Wednesday June 26, 2019 - 11:59:14 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1500
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    '' Midnimo soomaaliyeed , Mucjiso mar la arag ah ''. Ahmed Nour Guruje

    Markii axsaabtii iyo madaxdii Somaliland kasoo jeesatay xaqiijinta xoriyaddii Somaliland ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markii axsaabtii iyo madaxdii Somaliland kasoo jeesatay xaqiijinta xoriyaddii Somaliland ,

Dawladii Britain iyo Somaliland isla meel dhigeen in Somaliland xornimadeeda hesho 26 june 1960 , waxay bilaabeen olole horle oo ay ku raadinayaan midaynta shantii Soomaliyeed .


Bishii April 1960 Wafti culus oo ka tirsan Somaliland oo uu hogaaminayo Hogaamiyihii Xisbigii SNL M I Cigaal , ayaa Mogdisho ka degey , waxaanay la shireen madaxdii SYL , iyaogo usoo bandhigay in labada dhinac ee Somaliland iyo Somaaliya midoobaan .



Madaxdii SYl waxay si buuxda ugu sheegeen kuwii Somaliland in ay wax walba qaybsadeen , sidda Madaxwaynihii , raysal wasaarihii , ciidamadii iyo meel walba ,sidaa darteedna aanay doonayn midnimo .


Arrintaa kuwii Somaliland waxay kagga jawaabeen in ay doonayaan midnimo keliya , wax walbana ay iyagu qaataan kuwa koonfureed haday yihiin , arrintaas kuwii koonfureed may rumaysan , waxaana laggu heshiiyay wefti xaqiiqo raadisa in Hargaysa loo soo dirro .


Sidaa darteed waxaa Hargaysa yimi Wafti uu hogaaminayay Aadan cadde , waxaanay dadka waydiiyeen in waftigii Mogdisho tagay waxay sheegeen sax yahay iyo in kale , waana loo xaqiiiyay .


Sidaas ayaanay ku dhalatay midnimadii 1-july 1960 oo reer Konfureedku qaateen Madaxwaynihii , raysal wasarihii , taliyeyaashii ciidanka iyo caasamidii iyo wax walba .


Soobe oo ka tirsanaa siyaasiyiintii waagaas ee koonfureed oo Bbc waraysatay ayaa la waydiiyay sababta ay wax walba u qaateen ,waxaanu ku jawaabay , reer waqooyi midnimo ayuun bay rabeen , waxna may codsan kale .


Mar kale ayaa la waydiiyay hadii aan reer Waqooyi waxba codsan maxaa idinku wax walba u qaadateen , ee wax uun uga tegi waydeen , suaashaas Soobe wuxuu kaga jawaabay , '' Reer waqooyi wuu isa soo dhiibay , nin isa soo dhiibay oo ku yidhi ii talina waa loo talinaa ''.


Sidaas ayaanay ku dhalatay midnimadii waagaasi ,taasoo ahayd mucjiso mar la araga , sidda keliya ee midnimo danbe ku dhalan kartaana waa in la hello umad sidii reer Somaliland wax walba midnimada u hurta ugana tanaasusho , in aan taas la helayna waxaa cadayn kuugu filan ,ONLF iyadoo Ethopia ku hoos jirta ayaa laggu kari laayahay in ay magac qabiil keliya ka tanaasusho Somali ku badasho , koonfurina 5 maamul goboleed iyo 6 madaxwayne ayay kala samaysatay.


Ahmed Nour Guruje

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...