Dulmiga waa dumiyaha dad, deeggaan iyo dawlad ba!!!.W/Q Ahmed Bashir

0
Monday June 19, 2023 - 02:19:17 in Articles by Abdi Good
  • Visits: 1074
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dulmiga waa dumiyaha dad, deeggaan iyo dawlad ba!!!.W/Q Ahmed Bashir

    Dulmiga waa dumiyaha dad, deeggaan iyo dawlad ba!!!.W/Q Ahmed Bashir

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dulmiga waa dumiyaha dad, deeggaan iyo dawlad ba!!!.W/Q Ahmed Bashir


Dulmiga waa cadawga, iyo caqabada dawladnimada, dimuqraadiyada, midnimada dadyowga iyo deegaanada adduunka.

Dalalka iyo dadyowga aduunka waxa dagaalada, dabargo'a, dib u dhaca, diihaalka iyo darxumada u sababaa waa dulmiga xadka iyo xadhkaha goostay.

Dulmiga waxa lagula xakameeyaa oo xal looga dhigaa sharciga iyo sinnaanta oo lagu dhaqmo lana dhaqan galiyo.

Murti Soomaaliyeed ayaa dhahda " Rag cadaalad waayaa sidii Cawsha kala yaac".

Dulmigu waa dulmi Cidii doonto ha gaysato Qof, Qaran, Qabiil, Qoomiyad iyo Qaramoba. Qaabkuu doono ha ahaado, wixii la rabo ha loo isticmaalo haday tahay xoog, xeelad, xasaanad, iyo xoolaba mar walba dulmigu waa dulmi.

Cadaalad darada, Cabudhiska, Cago juglaynta, Cabsi-galinta, Ciqaabta, Iyo Cudud sheegashada kuwa daalimiinta ah isticmaalaan Cidkasta oo taageerta waa daalim iyo dulmiloow.

Dulmiga, digashada, dabar-goynta, dilka iyo duudsi kasta oo loo gaysto qof, qoys, qoomiyad, qabiil iyo qaran waa in laga hadlaa, laga hortagaa, laga dhiidhiyaa, laga damqadaa, la dabargooyaa, laga dagaalamaa, laga doodaa, lana taageeraa dulmanaha iyo dulmanayaasha oo lala dareen iyo diirnoqdaa.

Ha taageerin qof, qoys, qabiil iyo qaran tacadi iyo tagrifal wada oo awood ciidan, cudud, cabsi galin, cabudhin iyo cuud u isticmaalaya oo xoriyada, xaquuqda, xaqa, xasaanada iyo xurmada dad iyo deegaan ku xadgudbaya, xumaynaya oo xabsi iyo xabaal ku ridaya.

Caadifada, cudud sheegashada, is cajabinta, cod dheeraanta, ciil qabnimada, caanimada, cunsurinimada, cuud badnaanta, iyo cawaandadu marnaba kama guulaystaan qoom midaysan, qorshe iyo qadiyad adag.

Afkaaga, adinkaaga iyo aduunkaagaba waxaad ugu hiilin kartaa dulmane iyo dulmanayaal kasta oo dunnidan guud keeda ku dhiban, ku dhimanaya, ku xidhan, ku gaajaysan, ku dulman, ku barakacaya, ku ciilan, kuna calool xumoonaya, ku oynaya adiga oon u eegin midabkooda, maalkooda, mansabkooda, mabaadiidooda, iyo meeshay ku noolyihiin.

Dadnimada, damqashada, damiirka fayow, dareenka bini'aadanimo, dunta wanaagsan iyo darajada aqooneed ee dadka waxa lagu ogaadaa siday ula dagaalamaan dulmiga iyo dulmiloowga una garab istaagaan dulmanaha iyo dulmanayaasha.

Cadaalad daro kama dhamaato aduunka oo maalinba dal, deegaan iyo dad cusub ayaa cabasho iyo cod dulmane oo caawin, cadaalad iyo cid u hadasha raba kasoo yeedhayaa ee noqo hiilka, hogaanka, iyo horgalka cadaalada iyo codka sharciga iyo sinaanta.

Dulmiga iyo Dulmiloowgu ha dhaco

Dulmanayaashu ha guulaysteen

Dadku ha sinaadeen

Cadaaladu ha sarayso.

W/Q Ahmed Bashir

Address: Kampala, Uganda

Edu: BA in DS, MA in SW

Contact:[email protected]

 



AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...