Waar Yaa Alle Yaqaan Oo Kan Samaroon Iga Reeba ( Abdi-Shotaly).
Labadda coomir ee " Xaafad-tooyadda" Ka amar-ku-taaleegya iyo Gaal-Madoobaha ee guurti ku sheegta, baa waxay rabaan in mid ay wataan, oo iyaka toodda u hir-geliya in ay geystaan golaha wakiiladda, si uu ugu fuliyo xunanal-qarqooshKa ay walaaqa-nayaan, kuna baabi'iyeen dalkii iyo dadkii. Sidda uu sawirku sheegaayo kaartuunku.
Golaha wakiiladu waa ka keliya ee wakhtigan sharci ku dhisan dalku siduu u dhan yahay,ilayn iyaka wuu ka dhacay wakhtiggii loo igmadaye, sodaas awgeed waxay tab iyo xeelad isku deya-haan siddii ay isana u burburin lahaayeen, iyaka oo is leh sidaas baa ku korodhsan kartaan mudo bilaa sharci ah ee xoog ku marsadda. Ma jiro kursi cid u xidhani, sharci iyo xeer qorayaana laguma hayo Distoorka, ee bal xagay saddex-dan suna-goys ay wax jiidh-siin karaan, saw maaha markaa,kuwo bankii-giriyaad ku dhex jibaadaaya.
Distoorkii uu laha dalku iyo sharcigiisii dabadda bay ka tureen, ummadana been bay ku maaweeliyaan, iyakoo leh sharci iyo waxay "Amni" ku sheegaan baanu ilaalinaynaa, taas oo haba-yaraatee aanay wax-ba ka jirin, hase-yeeshee ay iyaku yihiin kuwa gacan-toodda si badheedh iyo ula-kas ah u abuuray dilka iyo burburka gobol kaste saameeyey, bara-kaca, ee meel fayoobi aanay hataan dal iyo dad-ba. Iyadoo cayn,kaas ah, bay misana ku raad gadanayaan Beello kale baa dalka duminaaya, Ponteland baa nagu soo duushay, Arga-gixiso iyo human ka kooban Somaliya iyo daarood baa nagu soo duulay, mana aha ee waa been iyo majro habaabin runta bar xaqiiq ah ku lahayn.
Waxay wataan mid aan reerka uu ka soo jeedaa Rabin, una Tegi karin, hadal-na aan ku odhan karin, ee doonayaan in ay u maqaar saaraan, lakiin micna-hoodu yahay in uu golaha wakiilaada uga fuliyo sharci khasab ah, kaas oo ah, waxay ku sheegaan Ururo oo aan xeer iyo sharci ay ku galaan "Doorashadda Madax-weynaha mid-na jirin,uu cadaalad darro kaadhka uga mariyo, meesha-na uga saaro " Xusbiyadda Muvaaridka" Arin-kani oo si uu u mareeyo la'yahay, una suuro geli waayey, wax kaste oo uu isku dayo, waase maskaxddii labadda askari iyo Gaal-madoobe oo biyo is marin, kuna naqaanay cuqdadda iyo colaadda ciil ku ragga ah. Waxase nasiib wanaag ah, in aanay maanta waxa u shaqaynaaya aanay ahayn, marina karin ka ay dabadda ka soo riixayaan ee la yidhaaho Faratoon oo 90 jir ah haddii aanay wax u dheerayn. Wuxu Mucaaridku haystaa Tirana 46 xil-dhibaan, taas oo siinaysaa Gudoomiya-nimaada ka ay iyaku rabaan, oo ah Xil-dhibaan Xaamud jibril, wuxuu ka soo jeedda Gobolka awdal, ismana hir taagi karaan, ee kaark ha la jiifeen.
* N.B Qaaluu-Balaa Niman Qoon, Qusul Laba iyo Toban baac ah, Buu Qoobka Geliyaaye.
QORE:- Abdi-Shotaly.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!