Xukuumadii Kala Dambeeyey Ee Somaliland Waxba Kumay Soo Kordhin Ceerigaabo.

0
Sunday June 18, 2023 - 10:14:16 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 857
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Xukuumadii Kala Dambeeyey Ee Somaliland Waxba Kumay Soo Kordhin Ceerigaabo.

    Magaaladu Biyaheedu Waa Macaan, Magaalada Hareeraheeda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaaladu Biyaheedu Waa Macaan, Magaalada Hareeraheeda



Ceerigaabo Waa Magaalo Kulaasha Buurta Daalo Ee Quruxda Badan. Waa Magaalo Aad Uga Duwan Magaalooyinka


Somaliland, Waa Magaalo Mudan Inay Somaliland Ku Faanto Maxaa Wacay Sidaa Waa Magaalo Aan Wax La Beeraa Uga Iman Ethiopia Oo Khudradeeda Iyo Fawaakihaadkeeda Aad Beerta, Waxaa Ka Muuqda Xadaarad Qota Dheer Oo Wax Qaylinaya Iyo Dagaalamaya Aanad Ku Arki Karin Suuqyada, Waa Magaalo Diimeed Aad Ku Masaalayso Madiina Munawara, Dumarka Illaa Inanta Yar Ee Shan Jirka Ah Way Xijaabantay, Raggu Weli Waxay Ku Sitaan Dharkii Boqol Sano Ka Hor Ay Xidhan Jireen Ee Labo Go Oo Laan-Mulaaxada Ahaa Imikana Waxay Yidhaahdaan Go'a Xiddigta. 

Magaaladu Biyaheedu Waa Macaan, Magaalada Hareeraheeda Beerhaheeda Waxaa Ku Hareeraysan Waxaa Ku Yaalla Ceelal Riigqoday Oo Booyado Iyo Gaadhi Gacan Magaalada Lagu Waraabinayo, Runtii Waxaan Xasuustay Siday Hargeysa Lixdanaadkii Ahaan Jirtay Xagga Beeraha Dooxa Qarkiisa Ku Teetsanaan Jiray Ee Khudaarta Badani Ka Soo Go I Jirtay. Runtii Bari Samaadkii Sidii Magaalooyin Badani Oo Somaliland Ahaan Jireen Ayaad Xasuusanaysaa.



 

Magaalada Ceerigaabo Waa Meelaha Aad Ugu Baahan Waxtarka Dawladda Dhexe Oo (Totally) Ka Maqan. Magaaladan Ceerigaabo (Town Plan) Keeda Iyo Wadooyinkeeda Iyo Dariiqyadeedu Waa Ku Sida Berbera Daaroole Oo Kale Magaalada Dhexdooda Laakiin Aan Dunsnayn Sida Berbera Dib U Dhoodhoob Lagu Sameeyey Dadkiina Weli Aqalkasta


Ku Jiraan Oon Guri Madhan Lahayn, Jaamadaa Iyo Maxadyada Diiniga Iyo Carabiga Lagu Bartaa Aadbay Ugu Badan Yihiin. Madarisadaa Quran Xafidku Koona Kasta Wey Ku Yaaliin. Reer Ceerigaabo Jinku Magalo Waayo Intaan Magaalada Ku Wareegayey Aqal Qudha Oo Qaylo-Quraan Ka Dayaamayo Maan Arag, Waa Magaalo Bilaa Dawarsi Iyo Oromo Ah Oo Aanay Ka Muuqan. Magaalada Weli Hal Dollar Ama Ka Badan Waa La Isu Diri Karaa Zaadka Oo Farxad Bay Ii Tahay Intaan Ceerigaabo Joogo. 

Bulshada Ceerigaabo Iyo Sanaag Aad Bay Duco Dibnaa Ugu Hayaan Madaxweyne Siilaanyo Iyo Xukuumadiisii Waayo Wadada Illaa Ina-Afmadoobe Ee Boqolkiiba Sagaashan Dhisan Horuumar Bay Soo Kordhisay Weyn Dad Iyo Xooloba. Shiinuu Wuxuu Yidhaahdaabaa La Yidhi ' Haddaad Dad Horuumar La Rabtid Wado U Samee. Dhaqaale Badan Bay Ceerigaabo Ku Soo Kordhin Kartaa Somaliland Haddii Xagga Waxqabadkeeda Loo Dhaqaaqo, Reer Ceerigaabona Iskaa Wax U Qabso Iyo Isku Tashi Ha U Kacaan.


 

Magaalada Ceerigaabo Waxay La Taahaysaa Waxa Weeye Sariibad Ma Laha Lagu Xareeyo Booshariyada, Hilibka, Iyo Khudaarta Iwm Runtii Waa Bannaan Yaal Oo Gawaadhida Taamaadhada Ka Jiidha. Waxay U Baahan Yihiin Sariibad Lagu Xareeyo Oo Casriya Oo Asturta Suuqa Ceerigaabo.


 

Waxaa Kaloo Suuqa Wadhan Bacad La Yaasha Oo Iyana Mall Casriya U Baahan. Waxaan Bulshada Iyo Tijaarta Reer Somaliland Iyo Xukuumadda U Kacaan, Maanta Waxaa Inoo Eeg In Aynu Kasoo Jiidano Magaalada Ceerigaabo Intaanay Somalia Inaga Jiidan , Magaaladeena Qiimaha Badan.


 

 

Qiraa Bashe Buurdhegeyste.

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...